Xukuumadda oo iclaamisay qorshe Qaranku ku heli karo Koranto Jaban iyo waxyaabaha sababta u ah cabashada Berbera

0
333

Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha xukuumadda ee ku wajahan sidii guud ahaan dalka looga hirgelin lahaa adeeg Koranto oo qiimihiisu hooseeyo oo ay bulshadu awoodi karayso.
Jaamac Maxamuud Cigaal, waxa uu sheegay inay dedaal ugu jirto wasaaraddu sidii loo heli lahaa koranto laga abuuro waxyaabah dabeeciga ah ee adeeggan laga dhalin karo, sida Cadceeda, dabeysha iyo Biyaha, haddii kuwaasi la tahli waayo-na, waxa uu ku taliyey inay Shirkaddaha Laydhka bixiyaa ay isticmaalaan dab-dhaliyeyaal ku shaqeeya noocyada Shidaalka ee jaban, sida Gaasta, halka ay iminka ku shaqeeyaan Mishiinnada Naaftada Gaadiidka loo isticmaalo oo uu sicirkeedu sareeyo.
Wasiirku waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha sababta u ah cabashada dhinaca adeegga Korantada ee Magaalada Berbera, sida looga gudbi karo iyo qorshaha xukuumadd uga yaalla, isagoo tilmaamay in Berbera ay tahay magaalada ugu korantada Jaban guud ahaan dalka, balse, ay haddana jirto caqabad ka taagan tayada korantada ay hesho iyo nidaamka qaybinta adeeggaasi.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply