Wasaaradda Maaliyadda Amar dul dhigtay Gaadiid ku Xaraysan Kastamka Laascaanood

0
337

Laascaanood _(DAWAN):- Isu-duwaha Cusub ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Gobolka Sool Siciid C.raxmaan Jaamac ayaa sheegay inay si rasmi ah u bilaabeen gaadiid loo samaynayo Cashuur dhaaf.

Gaadiidkan oo in mudo ah ku xaraysnaa Kastamka Magaaladda Laascaanood iyadoo ay Wasaaradda Maaliyadu u samaysay Sharciyaynta Gaadiidkaas iyo bixinta Wixii Cashuur ah ee qaranku ku leeyahay.

Isu-duwaha Cusub ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Gobolka Sool Siciid C.raxmaan Jaamac ayaa sheegay in Wasaaradda Horumarinta Maaliyadu ay amar ku bixisay in Gaadiidkan dadkii lahaa ay kula baxaan Mudo 15 Cisho gudahood iyagoo bixinaya Wixii cashuur ah ee lagu leeyahay Wuxuu Isu-duwuhu intaas ku daray in Marka ay dhamaato mudadaasi aan la ogolaan doonin gaadiid bilaa Sumad ah oo lagu dhex wato magaaladda Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool.

Leave a Reply