Maamuleyaal Waxbarasho iyo Arday ka Dareen Celiyay Midaynta Dirayska Waxbarashada Dalka

0
1159

“Waxaa lagaga Raystay diraysyadii kala duwanaa iyo dhaqaalihii ku bixi jiray.” Maamule Dugsi

“Dirayska Wasaaraddu Ardayda Dalka ku Midaysay wuxuu Noqday Astaan Qaran.” Maamule Dugsi

Hargeysa (Dawan):- Maamuleyaal ka mid ah  madaxda dugsiyada waxbarashada  dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo qaar ka mid ah ardayda dugsiyda hoose dhexe iyo sare,ayaa ka dareen celiyay midaynta dirayska ardayda dakla isla markaana tilmaamay waxyaabaha uu kaga wacan yahay diraysyadii hore ee kala nooc nooca ahaa iyo sida uu u yahay tallaabo qaran oo guul u ah waxbarashada Somailand oo dhanka wanaagsan loo qaaday.

Warbixn uu ka diyaariyay wargeyska Dawan oo uu ku waraystay maamuleyaal dugsiyo kala duwan  oo dawli iyo kuwo gaar loo leeyahay isugu jira iyo ardayda wax ka barta dugsiyada caasimadda Hargeysa qaarkood,ayay ku so bandhigee sida uu uga  fulay dhanka dugsida ee ay ardaydu ugu hoggaansameen qaadashada labiska dirayska wasaaraddu ku midaysay guud ahaan waxbarashada dalka.

Iid Axmed Jaamac oo ah maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Madar (Ex Xuseen Giirre)oo ka hadlayay dirayska la mideeyay iyo siduu uga dhaqan galay isguulkooda,ayaa yidhi.  “Direyskan imika ardaydu qaateen direyskii hore wuu ka qurux badan yahay, goobaha Qur’aanka lagu barto, dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba waa ay ka siman yihiin, dadku way midoobeen.

Ardayga qoyska uu ka dhashay awoodiisa dhaqaale hooseysana inta uu helayo waanu ka sugnaa ilaa inta uu ka soo iibsanayo.

Fasalladan sida quruxda badan direyska ugu soo labistan ee halkan horteena taagan waxa ay isugu jiraan, fasalka sideedaad, fasalka lixaad iyo fasalka toddobaad.

Direyskani waxa uu faa’iido leeyahay xaga quruxda iyo iskuuladdii Somaliland oo midoobay, haddii ay malcaamad tahay, hadday mid maadiya oo gara tahay iyo dugsiyada dawladdaba”

Najax Aadan Ibraahim oo  ka mid ah ardayda dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Madar, ahna ardayad fasalka toddobaad ah,ayaa tidhi. “Direyskan iyo direyskii hore direyskan ayaa qurux badann, dadka dariiqa nagaga hor yimaada qofkasta waxa uu leeyahay direyskani waa uu qurux badan yahay.

Direyskani waa mid mideeyay dhammaan ubadka wax ka barta iskuulada Somaliland, mid dawladdeed iyo mid gaar loo leeyahayba, wasiirka noo jideeyay direyska quruxda badan ee ay dadku kawada heleen annaguna anaguna waxaanu leenahay wasiirka waad mahadsan tahay”

Cabdifataax Ibraahin oo isna ka mida ardayda dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Madar “Faa’idada direyskani leeyahay waxa ay tahay waxa midoobay iskuuladii Somaliland oo dhan, sidoo kale qurux iyo bilicna waa uu leeyahay”

Maamulaha dugsiga hoose dhexe ee Daara-salaam Maxamed Xasan Maxamed,  ahna dugsi gaar loo leeyahay “Direyskii wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, uu dhawaan ardayda ku wargeliyay inay soo qaataan, annaga boqolkiiba boqol iskuulkayaga waa uu ka hirgalay, bulshadeenu baaqa wasaaradda waa ay ajiibeen, waa bulsho wanaagsan oo iska diran, markiiba waa ay ajiibeen arrinkaasina mid ay ajiibeen ayuu noqday.

Inta yar ee soo hadhay ama awood dhaqaale u saamixi waayay ama farsamo kale uga daahdayna iyagana waanu sugayna haddii ILLAAHEY yidhaaho.

Balcadu iskuulada intooda badan waa uu ka wada hirgalay, dadku iyaga ayaa iska diran barnaamijkana jecleystay, waxaana ku mahadsan wasiirka, agaasimaha guud iyo dhammaanba wasaaradda waxbarashad iyo sayniska masuuliyiintooda.

Direyskani waxa uu uga dhigan yahay iskuulada imika astaan Qaran ayuu noqday, markii hore jaabo jaabo ayuu ahaa direysku, qolabana waxa ay doonto ayay iska qaadaneysay balse direyskani imika direys Qaran ayuu noqday, ardaydii ayuu siman oo uu nidaamiyay”

Cali Axmed Xuseen maamulaha dugsiga sarre ee 26-ka June ee magaalada Hargeysa “Anaga oo fulinayna amarkii wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ee direys baddelka waanu wadnaa, labadiina waa ay is dhex socdaan wasaaraddu waxa ay tidhi direyskii horena halagu dhigto kan cusubna hala soo qaato”

“Direyskani faa’iidada uu leeyahay waxa ay tahay qoyska leh lix carruur ah ee iskuul kale u baddela ubadkooda imika kama war waraayan direys cusub oo ay u soo iibiyaan, balse markii hore waxa waalidka war warka ugu badan ku hayay waxa uu ahaa direyska iskuula loo baddelay soo iibintiisa, marka anaga oo ardayda wacyigelinayna direyska ka madaw iyo kan kale labadaba waa ay ku dhigtaan.

Direyskani hablaha ayuunbu culeysku ku dhacay, sababto ah hablaha direyskoodu waxaa uu ahaa mid madaw.

Ardayba halkan ka badeshay oo iskuul gaar loo leeyahay tagay, waxa laga doonayay waxa uu ahaa direys cusub, qoysba halkan ka guuray oo Maxamuud Axmed Cali u guuray isaga oo toddoba carruur ah wata, toddobadiiba direyskii waa ay baddelayaan dhaqaalaha intaas le’eg ee ku baxaya lama wada hayn, wasaaraddu dadkii ayay u danaysay”

Leave a Reply