Dawladda oo ka Hadashay Cabasho ay Muujiyeen Arday Deeq Waxbarasho ka Heshay Jaamacadda Hargeysa

0
367

Hargeysa-(Dawan)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa ka hadlay arday cabasho ka muujisay deeqo waxbarasho oo ay ka heleen jaamacadda Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Taajir ayaa sidoo kale fariin u diray masuuliyiinta xisbiyada Mucaaridka ah ,waxaanu wasiir ku xigeenku tilmaamay in sannadkii hore ay jaamacadda Hargeysa ku qoreen 62 arday, si ay deeq waxbarasho u siiyaan, waxaanu intaas raaciyey in ay jaamacadda isla qaateen in sannadka hore ay wasaaradda waxbarashaddu lacagta ardaydaas bixiso, saddexda sanno ee dambena ay jaamacaddu waxbarasho bilaashka ah siiso,madaama oo ay ardaydaasi culays ku noqdeen jaamacadda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Taajir waxa uu sheegay in ay sannadkii hore bixiyeen lacagtii Semester-ka hore, kana ay bixin doonaan.

Wasiir ku xigeenku waxa uu masuuliyiinta Xisbiyadda Mucaaridka ah usoo jeediyey in aanay dhalinyaradda horboodin, madaama oo aanay iyagu waxba ku tarayn

Leave a Reply