Wararkii ugu Danbeeyey : Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo Gobolka Sanaag Lagu Dilay

0
503

Qore: Saciid Cagjar

Hargeysa-(Dawan)-Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan saqadhi ayaa sheegay in labada xidigle Cabaas Maxamed Diiriye lagu dilay Deegaanka God-hiileey ee Dagmada Garadag ee Gobalka Sanaag.

 

Taliyaha ayaa Marxuumka ku sifeeyey sarkaal daacad ah oo shaqada qaranka kaalin weyn kaga jiray, waxaanu shacabka iyo ehelkiisa ka tacsiyadeeyey geerida ku timi Marxuum Cabaas.

 

Taliye Dabagale ma sheegin sababta sarkaalka loo dilay iyo in ay gacanta kusoo dhigeen balse warar uu helay Wargeyska Dawan ayaa sheegaaya in taliyaha geeriyooday uu degaanka God-hiileey u tegay shaqooqo dhawaac sababtay oo halkaasi ka dhacday.

 

Maayirka Degmada Dar-adag Maxamed Cilmi Maxamuud ayaa sheegay in weli gacanta lagu dhigin gacan ku dhiiglaha taliyaha dilay horena degaanka nin ugu dhaawacay.

Marxuumka geeriyooday ayaa ka mid ahaa Sarakishii dhawaan u soo baxday Ciidanka Booliska Somaliland kaas oo kasoo baxay Barnaamijkii shaqo qaran.

 

Leave a Reply