Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland oo Go’aamo ka soo saartay caweys-yada Hoteelada Burco.

0
600

Burco (Dawan) Wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland, ayaa go’aamo ka soo saartay caweys-yada huteelada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kuna amartay  in ay joojiyaan dhammaan wixii ka hor imanaya shareecada Islaamka.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in laga bilaabo 30/7/2021, aan la ogolaan doonin Huteel danbe oo ku yaala gudaha magaalada Burco, in laga sameeyo waxyaabaha sababta u ah is dhexgalka ragga iyo dumarka ee ay ugu horreeyaan caweys faneedyadu.

Dhanka kale warkan ka soo baxay isu-duwaha diinta iyo awqaafta ee gobolka Togdheer, Keyse Xaaji Diiriye, waxaa kale ee lagu sheegay in ay sameeyeen gudi dabagasha dhaqangalka amarkani.

Warkan qoraalka oo soo gaadhay xafiiska wargeyska Dawan ayaa u dhignaa sidan: “Iyad oo ay muqaneyso maalmahn xumaan ka socota Huteelada gudaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, qaar ka mid ah, xumaantaas oo ah is dhexgalka raga iyo haweenka, sida in la isla jaaso, ku faanida mulkiilayaasha huteelada in ay tahay wax wanaagsan oo horumar ah.

1 In horumar lagu sheego wax ALLE iyo Rasuul (CWS), inoo diideen waa ku dhiirasho denbi.

2 Waddanku waa Muslim, Islaamnimadu qofka waxbay faraysa waxna waa ay ka reebaysaa.

3 Dawladdu waxay Islaanimada ilaalinteeda u samaysay wasaaradda diinta iyo aw-qaafta, dastuur sida qodobka 5-aad oo tuuraya wixii diinta ka soo horjeeda.

sidaasi darteed waxaa la faraya dhammaan huteelada magaalad Burco, laga bilaabo 30/7/2021, in ay joojiyaan dhammaan wixii ka hor imanaya shareecada Islaamka, waxaa aanu u samaynay dhaqangalka amarkan cid daba gasha.”

 

 

Leave a Reply