“Furistii Jaamacada Cammuud Waxay Ahayd Indho Adayg Lagu Najaxay” Prof: Saleebaan Waraysi

0
100

“Afka Soomaaliga waynu hagrannay waxaanu innooga baahan yahay Gurmad”

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Proff: Saleebaan Axmed Guudleed,ayaa ka hadlay aasaaskii Jaamacadda Cammuud iyo waxyaabihii ku geddaanna markii ay wadeen hindisaha ah in Jamhuuriyadda Somaliland ay jaamacad yeelato.

Waxaa kale oo uu ka hadlay heerka jaamacadda Cammuud ay maanta marayso iyo in ay gaadhay hadafkii laga lahaa in dalku jaamacado uu yeesho. Proff: Saleebaan Axmed Guuleed Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud waxaa kale oo uu ka hadlay qorshe ay wadaan oo ay doonayaan in afka Soomaaliga lagu tayeeyo.

Waxaa kale oo uu iftiimiyay sida ay ardayga ugu diyaar gareeyaan in uu jaamici noqodo iyo marxalado ay soo mariyaan sannadka koobaad ee waxbarasahda ardayga.

Guddoomiye Saleebaan Axmed Guudleed oo waraysi gaar ah siiyay wariyeyaal ka tirsan Wargeyska Dawan oo socdaal shaqo ku tegay xarunta gobolka Awdal ee Boorama oo Jaamacadda Cammuud kulan kula yeeshay, ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay nabad gelyada Jaamacadda Cammuud iyo qodobo kale oo dhawr ah.

Guudoomiye Saleebaan oo ka jawaabayay su’aal laga waeydiiyay siday ardayda ugu kala saaraan aqoonta jaamicinimo ee ay baranayaan, ayaa yidhi.

“Marka hore ALLE wuxuu ina siiyay garaadkii iyo garashadii waxa wanaagsan lagu garan lahaa, kol haddii uu Muslim innaga dhigay, waxaa kale oo ALLE inna siiyay ammaan iyo nabad gelyo inoo suura gelisay in aynu halkan isugu nimaadno oo wax ku barano, isku waraysano, waana wax ALLE loogu mahad naqo, intaa ka dib haddii aan ka hadlo sida aan u kala xulno ardayda horta qof kastaaba wuxuu leeyahay hibo ALLE ku abuuray oo uu ku wanaagsan yahay, qof kastaana wax buu ku wacan yahay, laakiin ma jiro qof maskaxdiisa wada adeegsada oo wuxuu ku wacan yahayna way jiraan wax marka loo diyaariyo aradygu uu qaban karo ama uu ku wacnaan karaana way jiraan.

Maaha ardaygu in haddii uu wax ku wacan yahay uu ardayda kale wax dheeryahay laakiin waxna wuu ku fiicnaan karaa waxna wuu ku xumaan karaa, balse taa waxaa garab taalla sida loo diyaariyo ardayga aqoon ahaan. Qofku marka uu dedaalo wax kasta oo uu ku dedaalo ama ku hamiyo wuu gaadhi karaa.

Ardaygu marka uu jaamacadda yimaaddo ee uu soo dhammaysto fasalka afraad ee dugsiga sare sida jaamacadaha is dhexyaaca ah ee waxan ayaan doonayaa ardaygu uu yidhaahdoo maaha Jaamacadda Cammuud, takhasuusyo ayay leedahay laakiin intaan takhasusuyada la gaadhin dhammaan ardayda aanu qaadano oo dhan sannadka koobaad waxay qaataan waxbarasho isku mid ah oo isku manhaj ah ayay wada qaataan oo aanay ku kala duwanayn, waan ognahay oo isguuladeenii hoose galdaloolo ayay leeyihiin, isguulada hoose marka aan leeyahay waxaan u jeedaa waxbarashada jaamacadda ka horraysa.

Waxbarasahdaa sannadka hore ah ee ay ardaydu isku midka yihiin laba ujeedo ayay leedahay marka koobaad in la awdo galdaloolooyinkii waxbarasho ee dugsiga sare ee ardayga soo maray in la gufeeyo waa ujeedada labaad oo ah in loo diyaariyo marxaladda labaad ee ay gelayaan.

Tusaale ahaan simistarka hore shan kooras ama lix kooran ayay qaataan,kow kooras daraasaadka islaamka ah way qaataan,sadex kooran oo ingisiisi ahna way qaataan oo ah ingiriisiga jaamacaha lagu dhigto oo ay ki jiraan dhegaysiga,akhriska iyo qoraalka oo ah ingiriisiga jaamacaha maadaama marxaladda ay galeen ee jaamacadda ingiriisi wax lagu dhiganayo,kooras kooras xisaab ahna way qaataan,xisaabtu waxkasta way ku jirtaa diyaar garaynta ardayga iyo guushiisana way ku jirtaa ALLE ka sakaw,kooras saynis ahna way qataan.
Simistarka labaadna waxay qaadanayaan carabi, xisaab xisaabtii hore ka sarraysana way qaadayanaan saynis kii simistarkii hore ka sarreeyana way qaadanayaan Kombiyuurna way qaadanayaan Ingiriisi kii kore ka sarreeyana way qaadanayaan sannadka hore labadaa Simistar ayay qaadanayaan oo ay ka siman yihiin.

Sannadka koobaad marka ay qaataan waxbarasho isku mid ah waxaa laga qaadaa qaadaa laba imtixaan oo kala duwan marka imtixaankaa laga qaado kontonka arday ee ugu sarreeya imtixaankaa waxaa loo qaataa kuliyadda dhakhtarnimada ayaa loo qaataa oo ay bartaan, kontonka arday ee ku xiga waxaa loo qaataa kuliyadda caafimaadka lkaha oo dhakhtarnimada ilkaha ayay bartaan. Kuliyadda sivil ingineerinka waxaan u qaadanaa kontonka arday ee fisigiska iyo xisaabta maadooyinkaa ku wanaagsan ee meel sare ka gala.

Sadexdaa kuliyadoo doo sifahaa leh wixii ka dambeeya ardayda ayaa dookhooda leh oo doorta laakiin arday Imtixaankii aan ka mid noqon kontonka arday ee ugu sarreeya oo imtixaankii meel hoose ka galay kuliyadda dhakhaatiirta geli maayo oo ku aamini matno qof naftiisa in uu ka shaqeeyo oo uu aqoon dhakhtarnimo barto. Markaa ardaygy wuxuu codsado oo aanu isleenahay kuma wacna hadday dhacdo uma ogolaano ee halka uu ku fiican yahay ayaanu geynaa.”

Guddomiye bare sare Saleebaan Axmed Guuleed oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in la gaadhay hadafkii laga lahaa in dalku jaamacado yeesho furitaankii jaamacadda cammuud, ayaa yidhi. “Tacliinta sare ee Somaliland haddaad taariikjdeeda baadhayso horta Somaliland ayay ka bilaabmaysa horta waad ogtahay oo dalkeena Somaliland muu lahayn aqoon sare jaamacadona kamay jirin Cammuud ayaa ugu horraysay, xilligii jamhuuriyaddii Soomaaliya la isku odhan jirayna waxaa jiray jaamacadda muqdisho ee lafoole oo keliya.

Markii Somaliland la soo noqotay xorriyadeeda ee aynu ka go’ay Soomaaliya waxaa la bilaabay waxbarasahda hoose waxaana soo baxay arday aad u badan oo suuqyada taagan, waxaana dhacday wax alla wixii isguul ku jiray in ay mar dibedda istaageen, haddii aad aragto waddan ay da’yartiisii ay rejo beeleen oo ay suuqa marayaanna inta badan nabadi uma taallo waa meelaha ay ka timaaddo nabad gelyo xumada iyo burburku.

Markaa waataynu aasaasnay jaamacadda Cammuud shantii ujeeddo ee loo aasaasay Jaamacadda Cammuud sidii ay u taagan yihiin oo ay lagama maarmaan u yihiin,haddaan ujeedada koobaad soo qaadano waxay ahayd in da’yarta dalka joogta rejeda loo soo celiyo,waan xasuusnahay oo markii aanu ku dhawaaqnay in jaamacaddii la furay 350 fax-ayaa dibedda nalooga soo diray oo qurbe jooggii reer Somaliland oo doonayay in ay xaqiiqada ogaadaan ayaa yidhi waar bal warkan noosoo xaqiijiya wax xun oo dalka laga sheegayo mooyaane maanaan maqal war na rejo geliya oo ka imanayaba e,markaa waan garanaynaa oo dugsiyo sare sadex meelood ayuunbaa laga furay oo kala ahaa Hargeysa Boorama iyo Gabilay,markii aanu imtixaankii ugu horreeyay ka qaadaynay ardayda waxaa u soo xaadiray boqol iyo konton arday,ayaanu imtixaankii ka qaadnay waxaanan qaadanaynay lixdan iyo dhawr arday.

In aanu arday yar uun qaadano may ahayn ujeedadu waxaay ahayd in ay gobolada kalena tusaale u noqoto oo lagu daydo taasina si wacan ayay noogu hirgashay oo jaamacadda Harfeysa ayaa ku xigtay hadana jaamacadda Burco ayaa samaysantay.

Markaa horta sidaas ayuu bilawgu u hawl badnaa haddana markaad eegto duruufta dalku marayay umaynaan diyaarsanayn in aynu jaamacad furno markaad eegto dhaqankii nabadda oo markaas uun dalka ku fidayay iyadoo meelaha qaarna ay waxka jireen, jaamacaduhu waxay ka mid ahaayeen bud-dhigga seeska nabadda ee dalka ka bilaabmay gaar ahaan jaamacadda Cammuud iyo jaamacadda Hargeysa oo mideeyay ardaydii dalka.
Markaa waxaan odhan karaa furitaankii Jaamacadda Cammuud wuxuu ahaa indho adayg, indho adayg aanaan waxbadan u hayn oo aanu isku daynay ayuu ahaa oo labadii sano ee u horreeyay fikirka oo dibedda iyo dalka ka wada yimi waxaa na taakulayn jiray qoladii dibedda oo naga kaabi jiray shaqaalaha hoose waxyar oo aanu siino iyo waxoogaa macaliniinta aanu ku gunnayn jirnay macalimiinta qaarkood iyo maamulka sarena waxba may qaadan jirin ba.

Markaa haddii aanu jaamacadda Cammuud indho adayg aanu ku bilawnay jaamacaddaha ka dambeeyay ee la furay iyaga waxaa lagu furay qalbi adayg oo wax ay eegtaan oo jaamacadda Cammuud ah ayaa jiray waxna way hayeen laakiin Jaamacadda Cammuud waxaan odhan karaa furitaankeedu wuxuu ahaa Indho adayg lagu najaxay.

Cammuud waxay jirtaa 24 sano,sannad kastana waxbaa ku kordha waanu is qiimaynaa sannad kasta halkii ay markii hore taagnayd hore ayay uga sii korta ama uga gudubtay horumarkuna waa guulo isbiirsaday oo soo kordhay 65 arday aan ku bilawnay imikana shan kun oo arday ayay caga cagaynaysaa bilawgii laba kuliyadood ayay ahayd maantana 14 kuliyadood oo shahaadada digrii ga ah iyo sannadka hore ee aanu bilawga ku bixino iyo laba kuliyadood oo ah dhahaadada labaad oo aanu hargeysa iyo Boorama ba ka furnay,ayay maraysaa.

Haddii la aan ka hadlo dalka waxay jaamacaduhu ku soo kordhiyeen,haddaan tusaalaha koobaad u soo qaato magaalada Boorama intii aan laga furin Jaamacadda Cammuud waxay ahayd daabiyad yar oo daaro badan oo waxyaabo badan oo adeegga bulshada ahi aanay ka jirin,magaaladii way ballaadhatay oo waxay noqotay magaalo ay ku nool yihiin Soomaalida geeska afrika oo dhan ooay arday badan keeneen ardayda hadda ku jiraana geeska afrika dal aanay ka imanin ma jiro Jabuuti illaa Kiiniya way ka yimaadeen xaga dhaqaalahana magaaladii way soo kortay oo kaalinta labaad ayay maanta kaga jirtaa siday noo sheegeen qolada maaliayddu cashuuraha berriga oo Hargeysa oo keliya ayaa ka horraysa halkii markii hore Burco ay ka ahayd kaalinta labaad,waxaasina waa guul ay Jaamacadda Cammuud boorama gaadhsiisay,dhallinyarada maanta magaalada ka shaqaysata waxaa kow ka ha dhallinyaradii jaamacadda ka baxay oo shaqo abuur sameeyay,Boorama maalintii aanu jaamacadda furnay saddex dugsi sare ayay lahayd maantana waxay marayaan 18 ama 19 iskuul dugsi sare ah.maanta haddaad illaa Badhan tagto dugsi sare oo dalka ka furan oo aanay ardaydii Jaamacadda cammuud ka shaqayn la soo heli maayo,cisbitaal dalka ku yaalla oo aanay ka shaqayn na la soo heli maayo,markaa waxa dalka maanta camiray waa da’yartii jaamacadaha ka baxay haddaad eegto xataa masaajidada berigii hore dadka waawayn ayuunbaa ku cibaadaysan jiray maantana waxa maasidada camiray waa da’ayrtii dugsiyada iyo jaamacadaha ka baxay ee diinta bartay.

Way jirtaa wali in camal la’aantu dalka ku badan tahay oo dadku waxay shaqo u yaqaanaan uun inta dawladda u shaqaysa laakiin waxaa soo baxay arday badan oo jaamacadaha dalka oo Cammuud kow ka tahay ka baxay oo shaqo abuur badan soo kordhiyay oo maanta loo sahqeeyo ganacsiyo kala duwan iyo hal abuur cusubna la yimi.”

Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud oo wax laga waydiiyay waxay ka barteen dhacdadii Jaamacadda Cammuud ka dhacday ee ardaygu ku geeriyooday iyo waxa uga meel yaalla been abuurka baraha bulshada, ayaa yidhi. “horta qadar ayuunbaa ardaygaa dhimashadiisa ka adeegay imikana hay’addaha sharciga ayaa gacanta ku haya oo waxba ka odhan maayo meel wacanna way maraysaa maamulka Jaamacadda,ka gobolka iyo ka degmaduba si wanaagsan ayay uga hawl galeen dhacdadaasi markii ay dhacday askarigiina waa la qabtay ehelkii ardayguna way yimaadeen markaa arrintaasi halkaas ayay fadhidaa.

Dhanka nabad gelyda markaan ka hadlo ardayda askar umaanu keenin laakiin markaanu shankun oo arday masuuliyadoodii hayno ee dad badan oo ajaanib ahi nala joogo oo intaa ay noo dheer tahay dad badan oo usoo dalxiis taga Jaamacadda lagama maarmaan ayay noqotay in Jaamacadda aanu askar keeno oo la hubiyo cidda jaamacadda gelaysa iyo waxay u socoto midna way jiraa oo qof kastaaba wuu dhimanaya laakiin qofna ma oga halka uu ku dhimayo iyo goorta uu dhimanayo, Jaamacadda Cammuudna waa markii koobaad ee xabadi ka dhacdo magaalada Booramana xabbada waxaa noo xigtay sidaan filayo shan sano ka hor markaa qaddan ayuun baa ka adeegay laakiin jaamacadda iyo gobolkuba waa nabad gelyo,ta baraha bulshada waxaan odhan karaa baraha bulshadu marka dhanka wanaagsan loo adeegsadana waa wax wacan.

Marka dhanka xun loo adeegsada waa wax xun oo shar ah ALLE sharkeeda ha iinaga badbaadbiyo oo umadda ha inoo hagaajiyo,dadkuna marka qof been sheegayo way ogyihiin in beentu xun tahay oo uu qofkaasi beenaale yahay ka baraha bulshada been ku faafinayaana waa beenaale ka been badan ka haldal ku sheega oo isagu dunida oo dhan ayuu mar keliya beentiisa gaadhsiinayaa,markaa dhanka wanaagsan aan u adeegsano ayaan odhan lahaa oo yaynaan dhanka xun u adeegsan.”

Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud oo ka hadlayay Afka Soomaaliga iyo sida loo illaalin karo, waxaa uu yidhi. “Afafku waxay ka mid yihiin nimcooyinka ALLE bixiyo,afka Soomaaliga waa tii 72 kii la qoray waana wixii ugu waynaa ee afka laga qabtay ee dawladiba ka qabatay,nasiib darro maanta waynu dayacnay hadday Somaliland tahay iyo hadday Soomaaliya tahayba afku wuu dayacan yahay marka dhanka dawladda dhexe ee Somaliland laga eego wixii dawladdu ay isu gudbinayso af Somali ayaa lagu qoraa illaa dawladaha hoosena waa sidaas laakiin jaamacadaha iyo wasaaradda waxbarashadaba afku wuu ku dayacan yahay oo wax horumar ah kumay samayn waxaana loo baahan yahay in arrintaa la iska kaashado oo afka loo koco.

Sannadkan bilawgiisii waxaan ka qayb galnay 20 guuradii jaamacadda Jabuuti markii halkaa la isugu yimi ee kulanka wixii kale ee lagaga hadlayay la dhammaystay waxaa la sameeyay urur ka mid ah ururada jira ee geeska afrika oo ah ururka Jaamacadaha af-soomaaliga ku hadlac Af-soomaaliga ayaa laga duulayay ururkaas oo ay ku jiraan Jabuuti, Itoobiya, Kiiniya, Soomaaliya iyo Somaliland, guddi shan xunbood ah ayaa la sameeyay oo aan ka mid ahay, waxaa loo sameeyay jaamacadaha afka Soomaaliga ku hadla.

Waxaana shanta xubnood ee la xulay loo xilsaaray in ay sameeyaan xeer hoosaadkii ururku ku shaqayn lahaa,kulankayagii koobaadna waxaanu ku yeelanay Jigjiga oo uu nagu marti qaaday guddoomiyaha jaamacadda Jigjiga, gudidaas oo aan guddoomiye u ahaana waxaan ka gaadhi karaynay waanu samaynay arrinta ugu weyn ee ururkaa loo sameeyayna waxay tahay in af Somaliga la wayneeyo oo la xoojiyo o oaf cilmi laga dhigo oo heerka afafka la midka ah la soo gaadhsiiyo.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Poff: Saleebaan Axmed Guuleed oo waraysi gaar aj siiyay wariyeyaal ka tirsan wargeyska Dawan oo socdaal shaqo ku tegay xarunta gobolka Awdal ee Boorama

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Saleebaan Axmed Guuleed/Xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply