Shaydaan Ayaa Deeqdan Ku Siiyay!

0
664

Dalka Masar Gabadh sabool ah aya idaacadda ka codsatay in looga sii daayo in la soo caawiyo iyada iyo caruurteeda Saboolka ah.   Markii uu cinwaankeeda helay ayuu nin shuuci ah oo maalqabeen ahi doonay inuu ku dheedheelo. Xoghayntiisa ayuu ku amray inay raashin ku filan oo nooca kasta leh u qaadan, waxaana uu siiyay amaro iyo tilmaamo.

Wuxuu Shuucigan maalqabeenkaa ahi ku yidhi markay idin weydiiso yaa iigu deeqay raashinkan?  Waxaad  ku odhan doontaa “ Shaydaan ayaa kugu deeqay”.

Iasgoo rabay in islaantu argagaxdo oo laga yaabo inay tidhaa iga celiya hadda xoolo shaydaan cuni maaye!.

Markii Islaantii ay u geeyeen way soo dhowaysay, wayna kala wareegtay iyadoo farxsan. Markii ay weydiin wayday ayuu xoghaynta Shuucigu ku yidhi “ Miyaanad na weydiinayn cidda kuugu deeqday Raashinkan faraha badan ?”

Islaantii waxay ugu jawaabtay “ Maya , muhiim ma ah inaan ogaado , maxaa yeelay, marka Allah (sw) arrin doono, xataa Shayaadiinta ayu kuu sakhriya si ay kuu badbaadiyaan”

Leave a Reply