Cali Waran-cade oo Beeniyey Warar lagu Faafiyeye Baraha Bulshada

0
619
Hargeysa-(Dawan)- La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee arrimaha doorashada Cali Maxamed Waran Cadde  ayaa beeniyay warka ku faafay baraha bulshada ee sheegaya inuu diiday soo jeedin ku saabsan Mustaqbalka hogaanka xisbiga KULMIYE.
“Hadalkaas la sheegayo ma odhan, mana jirto warbaahin aan la hadlay, Arrintaasi igama suurowdo in aan ku hadlo, sababtoo ah waxaan doonayaa in aan madaxweyne Noqdo, imika ayaan warbaahinta la hadli doonaa oo aan cadaynayaa warkaasi in aanuu jirin” ayuu yidhi Cali Waran Cadde.

Leave a Reply