“Waxaan qabaa inaan dhinacayga xad-gudub ka imanayn, Madaxweyne Md Muuse kama filayo..” Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

0
643

Hargeysa-(Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa shaaca ka qaaday inaanu dhinaciisa xad-gudub ka imanayn, Madaxweyne Md Muuse aanu ka filayn, maadaama  Madaxweynahu yahay odeygii Qaranka iyo hogaamiyahiisi mudan yahay-na ixtiraam & karaamo, isla markaana  haduu dhamaaday loolankii aanay xukuumadu farogelin doonin xuquuqda golahu leeyahay, oo wada shaqeyn iman doonto, oo dhinac walba danta caamka kaga fekeri doono.

Wareysi weriye C/salaam Hereri oo Telefishanka Universal uu la yeeshay Khamiistii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md Cabdirisaaq, kuna weydiiyey su’aalo dhinacyo kala duwan ayuu sheegay in “dareenkiisu yahay mid is huwan oo farxadeed”, mar la weydiiyey siduu u arko xilka cusub, waxaanu raaciyey, “ markaad tartan gasho ee guulasyato dareen ayey leedahay. Markana waa dareen hawsha layga sugayo iyo siday isu dabooli doonaan, markaa waa dareenkaa hawlahaa is-barkan mid farxadeed iyo mid mas’uuliyadeed. Lixda xubnood ee shirgudoonka ku tartamayey shan xubnood xisbiyada mucaaradka ayey ka soo baxeen, xubin keliya ayaa xisbul-xaakimka ka soo baxday, annaguna niman u haliilaya inay xukuumada la dagaalamaan, ama dumiyaan ma nihin, laakiin inaan noqono hay’addo dawladeed oo is-dhamaystira.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa difaacay xildhibaanadda xisbiyadda mucaaradka ka soo baxay ee xulafaysi han siyaasadeed u raacay xisbulxaakimka, mar k aka jawaabayey marka la eego heerka loolanku gaadhay, ma filaysaa in xildhibaandii dhinaca xukuumada u wareegay ku soo noqon doonaan mucaaradka ama la fikir ahaan doonaan, ayuu yidhi Gud Cabdirisaaq, ku jawaabay “Waxaan filayaa oo rajeynayaa in golahu dhamaantii noqon doono kuwo ka soo gudba xifaaltankaa oon dib u eegin, annagoo wadajirna-na oo magaca golaha wakiilada wadana, hadday yihiin Mucaarad ama Muxaadaf danta dadkii na soo doortay iyo waxii ay naga filayeen, inaan ku wada shaqeyn doono. Muhiim-na maaha in la yidhaahdo xildhibaanku xaq uma laha intuu soo istaago inuu yidhaahdo ‘waan ka baxay xisbigii’ laakiin, xildhibaanku isagoo xisbi ka tirsan han siyaasadeed wuu yeelan karaa, cid kalena-xulafaysi la yeelan karaa, inta dhacdayna intaa oo kale ayey ahayd. Waxaan is-leeyahay hadda, iyo waxii ka dambeeya, golahu maxa adan ah ayuu uga gudbi doonaa, anniguna (Gudoomiye) waxaan is-leeyahay dabeecad ahaan waad isku waddi kartaa, oo isu-soo-celin kartaa golaha kala qeybsanaantii dhacday ka dib, waxna waad la wadaagi kartaa Madaxweynaha & xukuumadiisa.

Waxaad gudoomiye u tahay Baarlamaanka, wada shaqeyntii dawladda, iyadoo la ogyahay halkii aad kala joogteen, maxaad filayaa inay dhacayaan oo la weydiiyey ayuu ku jawaabay, “Waxaan is-leeyahay inay dhacayaan qof walba xuquuqdiisa dastuuriga ah ayuu ku dhaqmi doonaa. Madaxweynahu waa odeygii Qaranka iyo hogaamiyahii Qaranka waxaanu mudan yahay ixtiraam & karaamo. Saddexda dhardhaar aad sheegtay-na isagaa guud ahaan odey u ah, xuquuqdiis adastuuriga cid ka qaadaysa ma jirto, golaha baarlamaanka guud ahaana xuquuq dastuuriya ayuu leeyahay. Waxaan filayaa haduu dhamaaday loolankii inaanay xukuumadu farogelin doonin xuquuqda golahu leeyahay, oo wada shaqeyn iman doonto, oo dhinac walba danta caamka ka fekeri doono.

Madaxweyne Muuse, markii musharaxa iyo gudoomiayah xisbiga KULMIYE uu noqday wasiiradii iska casilay xukuumadii jirtay ayaad ka mid ahayd, weliba adigu (Cabdirisaaq) ka tanaasulay oo iska casilay xubbinimmadii xisbiga iyo tii Golaha Dhexe iyo Wasiirnimadii, markeliya,marka suurtagalnimmada wadashaqeyntiina ka waran ayuu ku jawaabay “Horta C/salaam (weriyaha wareysiga ka qaadayey) dabeecadahayga ayey ka mid tahay inaan ahay qof waxuu qabo aan qarsan, ee muujista, taasoo dadnimmada tilmaamaysa in qofku waxuu qabo caddeyn karo, xisbigii xilligaa aanu ka tirsanayn dhexdiisa loolan baa ka jiray, waxa suurtoobi weyday inaan aragtidayada xisbiga dhexdiisa ka sheegno, waxay diiday inaan ka sii dhex shaqeeyo meel aanan ku qanacsanayn, sababtaan u diiday sidaa ayey ahayd. Madaxweynaha, xumaan gaar ah oo noo dhexeysa haba yaraatee, ma jirto, intii ka dambaysay, waanu wada shaqeynay. U diyaargarowgii doorashadan waxaan qabaa inaan wax badan ku kordhiyey, iyadoo dhinacyadu is-mari waayeen ayaan dalka ku soo laabtay, aragti aan soo jeediyey oo ahayd in (Guddi Sare) oo saddexda xisbi loo saaro, oon Madaxweynaha ula tegay baa hirgashay, oo isla qaadanay in Komiishankii doorashiiyinka la doortay sidiisii u shaqeeyaan iyo inaan diyaarino hanaankii doorashada lagu geli lahaa, shaqooyin kaloo danta caamka ah wuu na dhexmaray Madaxweynaha Md Muuse, waxaan rajeynaya inay tanni tahay duruuf ka duwan, mansab dastuuri ah ee sadexaad dalka ayaan hayaa, Madaxweynahuna waa Madaxweynahii dalka, qof walba xil gaar ah oo dastuurku u jideynayo ayuu leeyahay, waxaan qabaa inaan dhinacayga xad-gudub ka imanayn, Madaxweynaha-na, Md Muuse kama filayo.

Gudoomiye Cabdirisaaq ayaa difaacay dhaliilo Baarlamaankii hore inaanay waxbadan qaban, inta badanna xidhiidhkooda xukuumadihii kala dambeeyey lagu xaman jiray, maxaad filaysaa inaad kaga duwanaan doontaan, ayuu ku jawaabay, “Waxaan qabaa baarlamaankii hore gaar ahaan, xilliyadii u horeysay inay waxbadan qabteen, hadday noqoto xeerarka ay ansixiyeen ama shqooyinka ay qabteen waa ku amaanan yihiin, waxii gaabis ka yimina runtii dhaliisheeda way yeelan karaan. Waxaan qabaa ugu horeyn shuruucda dalka waa innaynu ku dhaqannaa, baarlamaanka shan sannadood ayaa la doortay oo xilkoodu yahay, waxaan dadweynaha reer Somaliland u ballanqaadayaa in golaha aan hogaamiyaa aanu noqon doonin mid u hanqal-taaga muddod-korodhsi. Marka labaad dad badan oo aqoonyahan dhalinyaro ah ayaa golaha ka mid ah oo xamaasad iyo karti badan ka muuqato, hadii ay helaan hogaan hagga, oon filayo in dadka loo doortay inay ku sifoobayaan tilmaamahii hogaamin looga baahna,a waxaan qabaa in laga faa’iideyn karo. Baahiyaha dhamaystirka shuruucda dalka hadii wakhti badan la geliyo waxaan qabaa inay waxbadan ka qaban karaan, oon qabaa inay kaabi karaan hay’adaha kale dawliga ah ee dalku leeyahay, Garsoorka ama Fulinta. Waxaan qabaa in dareenka dadkayga iyo dawladda labadaba, qiyaasi karo baahiyaadka ka jira, waajibaadka o saaranna waan garan karaa, iyo xuquuqaha aan leedahay ee mararka qaarkood tahay inaan danta caamka uga tanaasulo, waxaan rajaynayna inaan dadkii na soo doortay u abaalgudbo, isbedelka filayey, iaygoo muddo dheer cadceeda noo taagnaa. ……

La soco qeybo dambe wareysigan oo lagu weydiiyey inuu xidhiidh la lahaa ururada xagjirka iyo Kooxo Wadaado ah, samaynta baanan xor ah waxuu dastuurku ka qabo iyo qodobo kale kula soco caddadka dambe, hadii Ilaah SW yidhaado

Leave a Reply