Wasaaradda Beeraha iyo Ayax Tiro Badan oo Hargeysa ku Dagaalamay

0
441

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilawday hawgal ay kula dagaalamayaan ayax galabnimadii doraad ku habsaday magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.

 

Hawlgalkan oo wasaaradda beeruhu ay ka billawday barxadda weyn ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo weyigelinta jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha, Rooble Cabdi Muuse waxaana uu sheegay in ayaxani yahan nooc cusub oo soo baxay oo aynaan hore u arki jirin, isagoo sheegay in ayaxani yahay mid labadii sanno ee ugu dambeeyay lagu arkay Somaliland isla markaana ku dilaacay roobabkii waaweynaa ee dhawaanahan ka da’ayay dalka.

Agaasimuhu waxa uu intaas ku daray in ayaxan ku degay caasimadda Hargeysa uu yahay mid aan aad wax u cunayn oo sumeysan, isagoo sheegay in diyaaradaha ay kula dagaalamayso wasaaradda horumarinta beeruhu ayaxa ay hore u soo buufisay isla markaana aanu waxyeeloo weyn u geysanayn dhirta iyo beeraha yar yar ee caasimadda ku yaalla.

 

Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaaradda beeruhu waxa uu intaas ku daray in suntan ay u adeegsanayaan ayaxa ay tahay mid dabiiciya oo aan waxba yeelayn xoolaha iyo dadkaba, taasoo si tartiib ah u dilaysa ayaxa habsaday, isagoo tilmaamay in wasaaradda warfaafinta iyo wasaaradda deegaanku ay leeyihiin barxado ka xidhan raadka dadka oo ay ku yaalliin dhir iyo doog, taasoo keentay inuu ayaxu ku dego, waxaana uu sheegay in labada wasaaradoodba ay u direen baabuur ka buufisa ayaxa.

 

Ayaxan ayaa isagoo raxan ah ku degay dhirta ku taalla barxadda weyn ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wecyigelinta Somaliland, kaasoo wasaaradda beeruhu ay sheegtay inay hore u soo sumeysay oo aanu amateed uu wax ku cuno lahayn, waxaana ay xustay inuu iska dhiman doono marka uu caajiso.

Leave a Reply