Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaaradda oo ka Warbixiyey Wada Hadalka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya

0
1490
Hargeysa –(Dawan)-Maareeyaha hay’adda duulista iyo madaaradda Somaliland, mudane Cumar Sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa sheegay in Somaliland, ay diyaar u tahay in arrinta hawadda labada dal wada hadal ku dhammaato, balse dhanka Soomaaliya wax ka xaniban yihiin.
waxaa kale oo uu ka hadlay diyaarado caalamiya oo danaynaya in ay Somaliland duulimaadyo ka bilaabaan iyo furitaanka madaaradda Berbera iyo Ceerigaabo.
Mar uu ka hadlayay maareeye Cumar Sayid, dadka Somaliland yimaada iyo la socodka caafimaadkoodka iyo shaqsiyadooda in ay lid ku tahay Somaliland iyo in kale waxaanu sheegay in shaqadaasi ay leeyihiin, wasaaradda arrimaha gudaha, ciidanka laanta socdaalka iyo wasaaradda caafimaadka, balse iyaga ay soo maraan, dad fiisayaal dal ku gal la soo siiyay oo sharci dalka ku imanaya.
Halkan ka Daawo Muqaalka oo Dhammaystiran

Leave a Reply