Wasiirka Cusub ee Beeraha oo Xilka kala Wareegay Wasiirkii Hore

0
310

Hargeysa (Dawan) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Maxamed Xaaji Cismaan, ayaa Maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha Mudane Axmed Muumin Seed.

Munaasibad Ballaadhan oo lagu qabtay Barxadda hore ee Wasaaradda Beeraha ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ugu horrayn ka hadlay Guddoomiyihii Guddiga qaban-qaabada Xafladda xil-wareejinta Ibraahim Carab Ceelaabe, waxaanu amaanay waxqabadka Wasiirkii hore Axmed Muumin Seed, waxaanu sheegay inuu in muddadii 4-ta sano ahayd ee uu xilka hayey Mudane Seed uu wax badan qabtay.

Ibraahim Carab wuxuu sidoo kale Wasaaradda ku soo dhaweeyay Wasiirka Cusub, isagoo sheegay in shaqaalaha iyo Hawl-wadeennada kale ee Wasaaraddu diyaar u yihiin Inay si wanaagsan ula shaqeeyaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Rooble Cabdi Muuse, ayaa isaguna bogaadiyey shaqadii uu qabtay Wasiir Axmed Muumin Seed oo Maanta xilka wareejiyey, isagoo sidoo kalena soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha ee Maanta xilka la wareegay.

Agaasimaha guud, ayaa sheegay in haddii ay yihiin Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha ay si hufan ula shaqayn doonaan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha, si dedaalka socda halkaa looga sii wado.

Munaasibadda oo ay hadallo ka soo jeediyeen Wasiirro, Xildhibaanno hore, Xubno ka socday Hay’adaha la shaqeeya Wasaaradda Beeraha iyo Safaaradda Taiwan ee Hargeysa, ayaa waxa isaguna halkaa ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Mudane Axmed Muumin Seed, waxaanu ka warramay waxyaabaha u suurto-galay Wasaaradda Beeraha muddadii xilka hayey, waxaanu sheegay in dadku ka markhaati yahay waxa u qabsoomay.

Waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Beeraha JSL Mudane Maxamed Xaaji Cismaan, waxaanu sheegay inuu halkaa ka sii amba-qaadi doono Dedaalkii waxqabad ee Wasaaraddu hore u wadday.

Ugu dambayn, Illaa 9 isku-duwe, ayaa shahaado-sharaf guddoonsiiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha oo ay ku amaaneen dedaaal iyo hawl-karnimo.

Leave a Reply