Ciidanka Booliska ee Gobolka Sanaag ayaa Soo Bandhigay Hub ay Qabteen

0
340

Ceerigaabo (Dawan)  – Ciidanka Booliska ee gobolka Sanaag oo maalmihii ugu dambeeyay hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka waday gudaha magaalada Ceerigaabo, ayaa soo bandhigay hub ay qabteen intii ay ku jireen hawlgalkaasi.

Waxaaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliska ee gobolka Sanaag, waxaana ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen hub isugu jira toorrey iyo baangado kuwaasoo khatar lagu gelinayay amniga shacabka, sidoo kalena ay hor istaageen isla markaana ay qabteen kiisas liddi ku ah qarannimada jamhuuriyadda Somaliland. Waxaana ay baaq u direen shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolkaasi Sanaag in aan cidna amniga loo dabo faadhiisan doonin isla markaana gacan bir ah lagu qaban doono cidkasta oo isku dayda inay jebiso shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla.

Saraakiisha ciidanka boolisku waxay intaas ku dareen in sidoo kale ay hawlgallada ay sameeyeen ay kusoo qabteen tiro khamri ah oo la doonayay in si qarsoodi ah loo soo geliyo magaalada Ceerigaabo, iyagoo intaas raaciyay in la raadsan doonno cidkasta oo ku lug leh maandooriyaha lasoo geliyo gobolkaasi.

Taliyaha qayb booliska ee gobolka Sanaag Gaashaanle dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka booliska ee gobolku uu heegan ugu jiro in la dagaalamo waxkasta oo lid ku ah amniga bulshada iyo ka guud ee Somaliland, sidaas awgeedna ay maalmihii ugu dambeeyay ay sii laban laabeen hawlgalladaasi, isagoo sheegay inay sii wadi doonaan isla markaana ay baacsanayaan dadka faraha kulaha jira arrimaha sharci darrada ah. Taliyaha qaybtu waxa uu intaas raaciyay in Somaliland aan laga oggolayn in hub sharci darro ah ay dadku guryaha iyo meheradaha ay ku haystaan.

Leave a Reply