Maareeye Daarood oo Beeniyay in Wakaaladda Biyihii ka Jartay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa

0
405

Hargeysa (Dawan) Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, ayaa beeniyey in ay Wakaaladdu  ka jartay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa.

Maareeye Daarood, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegay Xoghayaha arrimaha bulshada ee WADDANI, Maareeyaha oo arrintan ka hadlayaa waxa uu yidhi

Maareeye Daarood isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Cisbitaalka guud ee Hargeysa Qaranka waxa uu u hayaa shaqo xasaasiya, xiligan uu xanuunka covid-19 ku soo laba kacleeyeyna mas’uuliayada Hay’addaha Dawladda ka saaran taageerada cisbitaalku waa mid ahmiyaddeeda gaarka ah leh.

Qarankana siyaasad baa uga taala qaabka loo dhawrayo adeegyada cisbitaalada guud u baahanyihiin ee ay ka midka yihiin biyuhu.

Arrinka uu ku eedeeyay wakaaladda Biyaha Hargeysa mas’uulka ku hadlay magaca xisbiga waddani waxba kama jiraan, waa ay jirtaa cagaf Dawladda Hoose ee Hargeysa leedahay oo waddo banayn ka wadda cusbitaalka Hargeysa hareerihiisa oo mid ka mid ah dhuumaha biyaha dhaawacday, taasna waa arrin dhacda oo gacanta ku hayaan Farsamyaqaanada Wakaaladdu.

Waxa aan u sheegaynaa mas’uulkan in xilkasnimada iyo bisaylka mas’uuliyadu ay farayso in uu ka dhawrsanaado in si fudud  warar aan la hubsan loogu eedeeyo Hay’addaha Qaranka, looguna jaha-wareeriyo dadweynaha reer Somaliland.”

Leave a Reply