Tartanka Maskaxda Ee Xayawanaada!

0
310

Khubarada Sayniska ayaa daraasad ay sameeyeen waxa ay ku sheegeen inay  ogaadeen in Shimbirka loo yaqaano Tukuhu uu yahay mid maskaxdiisa ku xisaabiya arriimo kala duwan ,iyaga weliba cadeeyay in ay dhici karto in ay jirto meelo maskaxdiisa ka mid  ah oo u qaabilsan xisaabta.

 

Waxaana ay khubaradu intaasi ku dareen in ay rumaysan yihiin in uu wax u xisaabiyo sida dadka oo kale, iyada oo la barbar dhigay xayawaano kale oo uu ka mid yahay daayeerka loo yaqaano Chimpanzee-ga, gaar ahaana nooca loo yaqaano Orangutan oo ah mid ka mid ah Chimpanzee-ga, waxa kale oo isaguna liiska ku jira daanyeerka kale ee loo yaqaano Apes kaasi oo hadla, lana sheegay inuu aad u maskax badan yahay.

 

Sida uu sheegay  Abu Zurayk  oo khabiir  ku xeel dheer arrimaha fahanka maskaxda ayaa cadeeyay in Tartan dhinaca caqliga iyo fahanka ah oo lagu qiyaasay  daanyeerka Apes iyo shimbiro uu Tukuhu noqday kan ugu fiican.

 

Abu Zurayk ayaa sheegay inuu isku dayey inuu ogaado inta minute ee uu shimbirkani wax xisaabin karo, iyadoo ay arrintaasi ay ku dhiirigeliyeen Helen Dietz iyo nin kale oo lagu magacaabo Andreas Nyder oo ka socday jaamacadda Tubingen oo ka mid ah jaamacaddaha Jarmalka.

Waxaana  Abu Zurayk ogaaday in shimbirka Tukuhu  awoodo inuu xifdiyo tirooyinka laga bilaabo 1 ilaa 9, kuwaas oo ah inta ilaa hadda la ogaadey , iyada oo laga yaabo inuu waxyaalo kalena awood u yeesho inuu qabto.

Waxa kale oo Jaamacadda Washington daraasad ay samaysay ku cadaysay in  Tukuhu ka duwan yahay xayawaanada kale isagoo farxadda iyo murugda kala mid aha Aadamiga.

 

Leave a Reply