Somaliland iyo Hirdanka Siyaasadaha Geeska Afrika?!

0
523

Qore Xuseen Adan Cige (Deyr): Qaybtii 2-aad

Qaybtii 1-aad ee maqaalkan waxaynu ku xusnay in xaaladda ka muuqasho la’aanta arrimaha ka dhacaya Mandaqadda Geeska Afrika ee uu haatan dalkeenu ku jiro. Waxaynu hoosta ka xarriiqnay inay Somaliland sidaa sii ahaato in aanay ahayn mid u adeegaysa danaha Amni, kuwa Dhaqaale iyo kuwa isteraatijiyadeed ee uu Qarankeenu leeyahay.

Sidoo kale, gabagabadii maqaalkan qaybtiisii 1-aad waxaynu is weydiinay laba su’aalood oo u baahan in laga jawaabo, kuwaasoo kala ahaa:

1) Sidee baynu ummad ahaan uga gaashaaman karnaa ugana bedbaadi karnaa colaadaha ka holcaya gobolka Geeska Afrika?

2) Maxaa la gudboon Xukuumadda haatan talada haysa iyo laamaha kale ee Qaranka Somaliland?

Jawaabta su’aalasha 1-aad waxa weeyi:

In Xukuumad iyo Shacaba aynu ka feejignaano fiiro dheerna u yeelano arrimaha ina khuseeya ama dhacdooyinka saamaynta inagu leh ee ka dhacaya gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale, waxa inagu waajib ah in aynu u diyaar garowno sidii aynu ummad ahaan uga bedbaadi lahayn saamaynta taban iyo dhibta inaga soo gaadhi karta Colaadaha haatan ka socda Mandaqadda.

2) Maxaa la gudboon Xukuumadda haatan talada haysa iyo laamaha kale ee Qaranka Somaliland?

Jawaabta su’aalashan 2-aad waxa weeyi:

Xukuumadda iyo Goleyaasha Qaranka, sia wadajir ah waxa looga baahan yahay:

In ay ummada hagaan, bulshada la mideeyo meelna loo wada jeediyo. Dabadeed inagoo muxaafid iyo mucaaridba quluubta iyo qarannimada ka midaysan oo isku duuban aynu si wadajir ah u waajahna arrimaha masiiriga ah ee ina horyaala.

GAAR AHAAN arrimaha Xukuumadda horyaala ee looga baahan yahay waxa weeyi:

  1. In ay Xukuumadu la timaado qorshe qaran iyo siyaasad Arrima Dabadeed oo cad oo ku wajahan sidii ay Jam. Somaliland uga bedbaadi lahayd saamaynta taban iyo waxyeelada ku ladhan ama inaga soo gaadhi karta Colaadaha ka socda Mandaqadda Geeska Afrika;
  2. In ay Xukuumadu la timaado Siyaasad Arrima Dabadeed oo horseed ka noqota la jaan-qaadka Hirdanka iyo Ged-gedoonka Siyaasada Caalamka ee waqtigan xaadirka ah ka socda dunida, kaasoo si gaar ah ugu wajahan mandaqada Geeska Afrika;
  3. In ay Xukuumadu la timaado Siyaasad Arrima Dabadeed oo ku wajahan sidii ay Jam. Somaliland uga faa’iidaysan lahayd fursadaha uga bannaan ama ka unkama isbedelladaa xawliga ku socda ee haatan ka socda Geeska Afrika iyo Caalamka xag Dhaqaale, xag Isteraatijiyadeed iyo xag Siyaasadeedba;

JAM. SOMALILAND HA NOOLAATO,

Leave a Reply