Guddoomiyaha Gobolka Hawd oo Kormeeray Marinka laga soo galo Magaalada Baligubadle

0
528

Baligubadle (Dawan) Guddoomiyaha gobolka Hawd mudane Axmed Yaasin Maxamed Faarax, ayaa soo kormeeray marinka laga soo galo magaala xuduudeeda Baligubadle, ahna xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya isla markaana ay si wada jira uga hawlgalaan ciidamada laanta socdaalka Somaliland iyo dhakhaatiir ay wasaaradda horumarinta caafimaadku halkaasi u gaysay, oo ka socda wasaaradda horumarinta caafimaadka hubinta iyo baadhitaanka ka hortaga Xannuunka safmareenka ah  Covid-19, gaar ahaana xaqiijinta caafimaadka bulshooyinka kala duwan ee dalka soo galaya.

Guddoomiyaha gobolka Hawd mudane Axmed Yaasin Maxamed Faarax, waxaa uu sidoo kale bulshada uga u soo jeediyay in ay ka feejignaadaan, faafitaanka wejiga saddexaad ee xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Guddoomiye Axmed Yaasin isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Bulshweynta kala gadisan ee gobolka Hawd iyo degaanada hoos yimaada waxaa aan   u soo jeedinayaa inay ku baraarugsanaadan khatarta Xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, kaas oo mawjadiisi saddexaad ay caalamka aad ugu faaftay, nafa badana galaaftay.

Sidoo kale waxaan halkan mahad naq iyo boggaadin uga diraya isu-duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Hawd,  Dr. Axmed Cali Direyse, iyo guud ahaan Bahda caafimaadka iyo ciidamada laanta Socdaalka ee goobtaasi ku sugan, oo hawlaha ay Qaranka iyo bulshadaba u hayaan si fiican ugudanaya”

Leave a Reply