Xukuumadda Somaliland  oo wada Qorshe lagu Sahaminayo Heerka shaqo la’aanta dalka

0
302

Hargeysa (Dawan) Wasiiradda wasaaraddaha qorshaynta iyo horumarinta Qaranka mudane Cumar Cali Cabdillaahi, iyo horumarita maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire,  iyo agaasimayaasha guud ee Qorshaynta mudane Axmed Cabdi Ismaciil  iyo shaqo gelinta mudane Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa kulan la qaatay  guddi dhawaan loo xil saaray inay sameeyaan sahan guud, oo  lagu ogaanayo heerka shaqo la,aanta dalka.

Sahankan ayaa waxaa wada  ayaa waxa si wada jira uga shaqaynaya   wasaaraddaha qorshaynta Qaranka,  shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo  horumarinta maaliyada.

Ujeedada sahankan loo samaynayo ayaa ah in la ogaado heerka shaqo la,aanta wadanka, si loo qorsheeyo in shaqo abuur loo sameeyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland.

Leave a Reply