Mas’uuliyiinta Degmada 31- May Ee Caasimadda Hargeysa oo Olole Nadaafadeed Iyo Waddo Bannayn ka Fuliyay Degmadaasi.

0
357

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiye ku xigeenka degmada 31 May Cabdicasiis Ismaaciil Xasan ayaa sheegay in ololahaasi nadafadeed iyo waddo bannaynta ah ee ay fuliyeen ay uga gol leeyihiin si kor loogu qaado bilicda caasimadda, isla markaana ay ku ballaadhinayeen waddooyinka degmada, waxaana uu xusay in dhirta garan waagga oo waddooyinka qaar xidhay lagu gooyay ololahaasi.

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu uga mahadceliyay bulshada ku dhaqan degmadaasi sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen ololahaasi nadaafadeed.

Geesta kalena, guddoomiyaha degmada Maxamuud Haybe, Axmed Cawl Raage ayaa degmadaasi ka fuliyay isna olole nadaafadeed, kaasoo si wada jir ah ay ugala qayb qaateen qaybaha kala duwan ee bulshadu, waxaana uu xusay inay ahmiyad gaar ah ay siinayaan fayo dhawrka iyo badqabka guud ee bulshada.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Axmed Dhagax, Maxamuud Daa’uud iyo mas’uuliyiinta kale ee degmadaasi ayaa iyaguna ka fuliyay degmadaasi olole nadaafadeed oo ay ku nadiifanayaan goobaha qashinka qubka noqday iyo jidadka dhex mara degmadaasi, waxaana ay ugu baaqeen bulshada ku dhaqan degmadaasi inay ilaaliyaan badqabka isla markaana ay iska fogeeyaan xashiishka oo aanay ku daadin goobaha caamka.

Leave a Reply