Degmada Widhwidh oo Shucuur iyo dareen waddaniyaddeed oo naadir ah ku soo dhaweysay Maayarka Buuhoodle

0
665

“Deegaanka Buuhoodle waa deegaan dib u dhacay meel walbana waan ka sheegaa, waxa iga go’an…”Maayar Khadiija Axmed

Widh-widh(Dawan)-Maayarka Degmada Buuhoodle Marwo Khadiija Axmed Aadan iyo wefti ay hogaaminayso ayaa maanta si weyn oo aan hore loo arag shucuur iyo dareen-waddaniyaddeed xambaarsan loogu soo dhaweeyey Magaalada Widhwidh ee xarunta u golaha Deegaanka Buuhoodle, halkaasoo ay ku laabateen kaddib markii ay u dhamaadeen hawlo shaqo oo ay todobaadyadii u dambeeyey u joogtay Caasimada Dalka ee Hargeysa.

Soo dhaweynta Maayarka oo ay hogaaminayeen Xoghayaha Dawladda Hoose ee Buuhoodle iyo xubnaha golaha Deegaanka Degmadaasi, ayaa waxa ka qayb-qaatay guud ahaan qaybaha bulshada ku dhaqan Magaalada Widhwidh, sida cuqaasha, waxgaradka, Dhalinyarada, Haweenka, Ururrada Bulshada ee Deegaanka ka jira, Ardayda dusgiyada waxbarashada ku jira iyo Ciidanka amaanka ee degmadaasi.

Marwo Khadiija oo ah gabadha qudha ee xilka Maayarka kaga soo baxday degmooyinka dalka, tan iyo markii ay xilka qabatayna ku talaabsatay hawlo door ah oo ay ku dardar gelisay shaqada golaha deegaanka cusub, ayaa soo dhaweynta sare ee shalay loo sameeyey lagu tilmaamay mid ka turjumaysa waxqabadka deg deg ah ee ku talaabsatay muddadii koobnayd ee ay shaqaynayeen iyada iyo golaha Deegaanku.

Boqolaal Dadweyne ah oo ruxaya calanka Jamhuuriyadda, caleemo qoyan iyo boodhadh lagu xardhay sawirrada Maayarka ayaa ku soo dhaweeyey duleedka Degmada Widhwidh, halkaasoo ay ka gelbiyeen, iyagoo ku soo wareejiyey waddooyinka magaalada, ka hor intaanay kula hadlin fagaare loo asteeyey oo ku yaalla badhtamaha Magaalada.

Gaadiid tiro badan oo kala duwan, ayaa qayb ka ahaa fooladdaynta iyo soo dhaweynta Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Buuhoodle iyo weftigeeda.
Xubno kamida Cuqaasha, waxgaradka iyo hormuudka Ururrada haweenka ee degmada Widh-widh oo ka hadlay munaasibada soo dhaweynta Duqa loo sameeyey, ayaa sheegay inay ku mutaysatay sumcad iyo taageero waxqabadka ay ka fulisay degmada wakhtigii koobnaa ee ay xilka haysay.
Waxa ay intaasi ku dareen inay u mahad-celinayaan, Wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasaaradda horumarinta caafimaadka oo ay sheegeen inay gacan ku siiyeen maayarka shaqada balaadhan ee ay fulisay.
Marwo Khadiija Axmed Aadan Maayarka Degmada Buuhoodle oo khudbad u jeedisay shacbiga soo dhaweeyey, ayaa u mahad celisay bulshada degmada, waxaanay tilmaantay in xaq loogu leeyahay wax kasta oo ay qabatay, balanqaadyadeediina aanay farin ka qodnayn.

Maayarku waxay intaas ku dartay in gobolka Buuhoodle ku jiro xaalad dib-u-dhac oo baaxadle “kuma amaanni waxaan u qabtay bulshada reer Buuhoodle, balanqaadyadiina way ku jirtay in aan waxqabadka is-dul-taagi doono oo aanan indhaha ka laaban doonin meel kasta oo waxqabadka degmada Buuhoodle ku jiro”ayey tidhi Khadiija.
“Deegaanka Buuhoodle waa deegaan dib u dhacay meel walbana waan ka sheegaa. waxa iga go’an in aan si cadaalad ah wax kasta oo aan qaban karo ugu qabto”ayey raacisay Maayar Khadiija oo kula dardaarantay Bulshada deegaankaasi inay dhankooda ka qaybqaataan horumarinta magaalooyinkooda iyo adkaynta nabad-gelyada.

Dhankiisa Xoghayaha Dawladda hoose ee Buuhoodle iyo xubno kamida Golaha Deegaanka ayaa dadweynaha uga mahad-celiyey sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen Maayarka.

Maamulka heer Degmo iyo gobol ee Buuhoodle, ayaa waxa hogaaminaya dhalinyaro fahamsan rabitaanka iyo baahida Bulshada, taasoo laga dheehan karo sidii dhawaan Badhasaabka cusub ee gobolkaasi loogu soo dhaweeyey Magaalada Buuhoodle.

Leave a Reply