Mucjisada Shaqooyinka Jidhka!

0
558

White Blood Cells (WBC) ee loo yaqaan Leukocytes Waa Unugyada Cad ee difaaca jidhka, Shaqada unugyadan ayaa ah inay jidhka ka ilaaliyaan caabuqa (Infection) , Bacteria-da, Virus-ka ama Noole kale ee soo gala.  Haddii arimahaasi midkood dhaco Unugyada Difaacu Weerar ayey ku qaadaan waana ay burburiyaan.

Unugyada Difaaca (WBC) Wey ka weynyihiin muuqaal ahaan Unugyada kale. Marka qofku qabo Caabuqa bakteeriyada (Bacterial Infection) Waxaa sare u kaca Tirada Unugyada Difaaca oo waxay aad uga bataan xaddigii loogu talagay oo ah 4,500-10,00 per microliter (mcL) Waxaana loo yaqanaa “Leukocytosis” haday ku badato dhiigane waxay Sababi kartaa dhibaatoyin Caafimaad qofka asiiba.

Sidoo kale Marka Unugyada difaaca Jirka (WBC) ay ka yaradaan Xaddigii loogu talagay oo ay hoos ugu dhacaan 4,500 Waxaa aad u daciifa difaaca jidhka oo waxa si fudud u weerari kara Bacteria, Virus ama Noole kale.

Nooca Ugu difaaca badan Unugyada difaaca jidhka Waa “Neutrophils” haddii uu ka yaraado xadiga caadiga ahna waxa yaraada difaaca qofka. Unugyadani waa nooc oo kal ah

Neutrophils, Eosinophils, Basophils, Lymphocytes iyo Monocytes

Haddii uu  jidhku soo daayo unugyo difaac ah oo aad u badan taasi waxay muujisaa inu jiro khalkhal dhinaca jidhka waxaan laga yaaba haddii aan hore loo ogaan inay sababto xanuunka kansarka dhiiga. Laakiin haddii ay aad u hooseeyaan xadkii loo baahnaa waxa lagaa yabaa taasi inay keentay qofka oo aad u isticmaalay daawooyinka oo marka kasta xanuun yari ku dhaco uu si iskiis ah u qaato. Waxaana loo baahan yahay qofku in aanu qaadan dawo aanu u qorin dhakhtar si aanu isugu keeniin xanuun halis ah halka uu doonayo inuu mid kale iska daweeyo.

Leave a Reply