Dalka Jarmalka oo laga furay Xafiis muhiim u ah Isku-xidhka Ganacsiga Somaliland iyo Yurub

0
404

Qore. Saleeban Kalshaale

Frankfurt(Dawan)-Dalka Jarmalka waxa loogu daah-furay Xafiis cusub oo ka shaqayn doona Horumarinta Somaliland ee Dalka Jarmalka (Somaliland Development Office in Germany) maalintii Isniinta ee todobaadkan.

Xafiiskan oo ka shaqayn doona isku-xidhka iyo fududdeynta dhinacyada horumarinta, kaalmooyinka iyo Ganacsiga ee Somaliland iyo dalka Jarmalka, ayaa waxa furay xubno kamida Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Jarmalka, waxaana munaasibada daah-furka ka qaybgalay masuuliyiin dalka xilal uga soo qabtay, madaxda Jaaliyadda iyo marti-sharaf kale.

Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland oo qayb ka ahaa furida xafiiskan, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha uu xafiiskani qaban doono iyo muhiimada uu leeyahay.

Ambasador Kaysar, waxa uu sheegay inuu xafiiskani kamid noqon doono xarumo kale oo laga furi doono dalal kale oo Yurub iyo qaaradaha kaleba ah, sida Dalka Uk, waxaanu yidhi “Xafiiskan oo ah mid aan Dawli ahayn oo Madaxbanaan waxa uu ka shaqayn doonaa Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland iyo isku xidhka Hay’addaha iyo Laamaha Horumarinta Dalka Jarmalka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.
Xafiiskan waxa uu gacan weyn ka geysan doonaa kana shaqayn doonaa sidii ay Dawlada Jarmalku u kordhin lahayd mashaariicda horumarineed ee ay ugu deeqdo Dalka Somaliland.
Waxa kale oo uu si balaadhan uga shaqayn doonaa sidii ay Shirkadaha iyo Ganacsatada Jarmalku ay u maalgashan lahaayeen Somaliland.
Waxaan u mahadnaqayaa Jaalliyada Jarmalka iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Jarmalka, Masuuliyiinta Saddexda Xisbi Qaran ee Jarmalka oo ka soo qayb galay Xaflada furitaanka Xafiiska.
Xafiisyo kan la mid ah ayaa dhawaan laga furi doonaa Dalalka Yurub qaar ka mid ah sida Belgium, UK iyo Turkiga.

Xafiisyadani waxay ka shaqayn doonaan arrimaha Horumarinta, Maalgashiga, Isku xidhka iyo Middaynta Jaaliyadaha reer Somaliland iyo arrimo badan oo kale” ayuu yidhi Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed.
Xafiiskan oo laga furay Magaalada Frankfurt, ayaa waxa madax u ah Amb Cabdifatax Cismaan oo ahaa Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Jarmalka.

Leave a Reply