Siyaasiga Cawil oo Beeniyay War laga Qoray

0
716

Hargeysa (Dawan):-Siyaasiga Xuseen Cali Ducaale Cawil ayaa beeniyay warar laga qoray oo lagu baahiyay Social Media.

Xuseen Cali Ducaale Cawil oo shalay la hadlay  qaar ka mid ah Warbaahinta   ayaa sheegay in aanay jirin meel uu wax kaga sheegay Madaxda Xisbiga Waddani,waxaanu intaa ku daray in warkaasi yahay mid lagu doonayo in sumcadiisa lagu dilo.

Xuseen Cali Ducaale oo beeninayay warkaas laga baahiyay waxa uu yidhi”Waxa uu ahaa qoraal aan la yaabay waxaan ahay Nin weyn oo Siyaasiya waxaanan ku dedaalaa in aan Umadda dhex u noqdo,waana uu iga yaabiyay qoraal kani Xisbi Qaran oo Madaxdiisiii doortay meel aan wax uga sheego majirto,waxa weeye war been abuura oo lagu doonayo in sumcadayda lagu dilo waana arin fool xun oo dhaqankeena ku jirin shakhsiyan waxa aan Aaminsanahay waan ku hadlaa,”.

Sidoo kale Xuseen Cali Ducaale ayaa waxa uu sheegay in ay tahay markii koowaad ee warnoocana oo beena  laga qoro.Waxaana uu yidhi”Waana markii ugu horraysay ee warbeena oo sidaasa layga sheego Social Media dadbaa  waxa ay doonaan inta ay qoraan magaca ay doonaan ku qoraya,waana dambi in aad qof been ka sheegto waana war been abuura oo afkayga ku fiicnan in Xisbi Qaran wax sheego, Musharaxa Xisbiga Waddani iyo Guddoomiyaha saaxiib ayaanu nahay  casuumad iimay soo dirin Axsaabta waa hanti Umadeed in Hogaankooda doortaana waa muhiim,in wax laysku wareejiyo Siyaasada wanaageeda ayay ku jirtaa adiga xil haya aad qof kale ku wareejiyo sharafteeda ayay leedahay waana waxyaabaha Axsaabta ku dhismaan,”.

 

 

 

Leave a Reply