Qaar ka mida Culimada Dalka iyo Golaha Wakiillada oo wada Curinta Xeerka Ganacsiga

0
418

Hargeysa (Dawan) Guddi hoosaadyada dhaqaalaha iyo shareecada ee golaha wakiillada Somaliland, iyo qaar ka mida culimada dalka ayaa iska kaashanaya sameynta xeerka ganacsiga oo ay sheegeen in ay waafajinayaan  shareecada diinta islaamka.

Waxa ay tilmaameen in xeerkani wax weyn ka tari doono horumarinta xagga ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale waxa ay xuseen in dhawaan ay soo saari doonaan dhammeystirka xeerkani  ay dhawaan soo saari doonaan isaga oo dhammeystiran.

Guddoomiye ku xigeenka guddi hoosaadka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maaliyadda  ee golaha wakiillada mudane Axmed Maxamed Hurre (Barkhad ayaa ugu horrayn warbaahinta faahfaahin ka siiyay nuxurka kulankii dhexmaray iyaga iyo qaar ka mida culimada dalka waxaanu yidhi.“Guddida arrimaha shareecada iyo guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada, haddii aanu nahay waxa aanu kulan la qaadanay qaar ka mida culimada dalka.

Ujeedaduna waxa ay ahayd in aanu eegno xeerka shirkadaha caymiska ooh adda golaha horyaala si aanu si weyn ugu lafa-gurno, isla markaana uu noqdo xeer ka turjumaya bulshadan, maadama aynu nahay bulsho muslin ah, in xeerarkeenu ay noqdaan kuwa ka turjumaya bulshada islaamiga ah, dhab ahaantii culimadu si weyn oo waafiya ayay u tilmaameen, dareensan yihiina in aynu xeer caymis sameyno, balse mihiimadu ay tahay in xeerkani yahay kii umaddani ka turjumayay”

Xildhibaan Axmed Dayib Guuleed Aadan (Ku-caddeeye), guddoomiyaha guddida shareecada dhaqanka iyo qoyska ee golaha wakiillada oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa yidhi. “Waxa aanu isugu nimid maadama dalkani yahay dal islaami ah sida ku qoran dastuurkiisa, baahi weyna loo qabo xeerkasta oo loo sameynayo dalkan iyo dadkan in uu shareecada diinta islaamka waafaqsanaado, mihiimna ay noqotay in culimada dalka laga tala galiyo, isla markaana loo bandhigo.

Waxaanay culimo soo jeediyeen aara islaami ah, oo dhaxalgal ah haddii ILLAAHEY yidhaahana ka muuqan doonta xeerka”

“Xeerka caymisku waa arrin loo baahan yahay marka dhibaatada dalka ka taagan la arko, haddii la hagaajiyana dhaqaalaha qayb weyn ayuu ka qaadanayaa, waxa iyaduna mihiim ah in aan wax shareecada diinta islaamka waafaqsaneyni aanu soo bixin, waxaanay guddiyada golaha wakiilladu  ay noo sheegeen in aanay marnaba socod siin doonin wax shareecada diinta islaamka aan waafaqsaneyn, anaguna waajibka nasaaran waanu gudanaynaa.

Qorshahayagu waxa uu yahay in bulshada aanu u soo saarno sharci iyo qaanuun lagu maamulo shirkadaha iyo ganacsatada dalka oo waafaqsan shareecada diinta islaamka haddii ILLAAHEY yidhaaho”Ayuu Sheekh Cabdiraxmaan oo ku hadlayay afka culimada.

Leave a Reply