“Kalluumaysigu wuxuu soo korayay 10-kii sanno ee ugu dambeeyay, waxaanu marayaa halkii u sareysay” Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga Gobolka Saaxil

0
672

Agaasimaha waaxda kalluumaysiga ee wasaaradda xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga ee gobolka Saaxil ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay waaxda kalluumaysiga ee wasaaradda xanaannada xoolaha iyo kalluumaysiga sanadihii u dambeeyay.

Waxa uu sheegay agaasimuhu in kalluumaysatada kala duwan ay siiyeen tabobaro kala duwan, qaar kalena ay siin doonaan. Waxa kale oo uu xusay inay wasaaraddu qalabayn u samaysay qaar ka mid ah kalliuumaysatada.

Agaasimaha waaxda kalluumaysiga ee gobolka Saaxil Ismaaciil Cabdi Xirsi ayaa hadalkiisa waxa uu ku bilaabay “Waaxda kalluumaysiga ee wasaaradda xanaanada iyo horumarinta kalluumaysiga waxa u qabsoomay waxyaabo badan, waxaana ka mid ah dekad kalluumaysi oo dhawaan la furi doono, waxaana laga dhisay cashuurta dadweynaha, waxa sidoo kale jira gaadiid tabobar oo ah lix gaadhi oo ay dhawaan wasaaraddu soo iibsatay, waxaanay wasaaraddu ku tabobari doontaa kalluumaysatada kala duwan ee ka kalluumaysta xeebta, si ay u soo saaraan kalluun tiro iyo tayaba leh.”

“Waxa kale oo ay wasaaraddu bixisaa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dekada kalluumaysiga, keydka kalluunka, barafka, leydhka iyo guud ahaan adeegyada ay u baahan ee aasaasiga ah. horumarka kalluumaysigu wuxuu soo korayay tobankii sanno ee ugu dambeeyay, waxa uu maanta marayaa halkii u sareysay.”

Leave a Reply