Magaalada Hargeysa oo uu ka Furmay Kulan lagaga Hadlay Xal’u’helista Maxaabiista Mudda’dhaafta u Xidhan.

0
515

Hargeysa (Dawan) Koomishanka xuquuqda insaanka Qaranka ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay kulan ku saabsan xal u helidda maxaabiista muddo dhaafka u ah xuquuqaha madaniga ah.

Kulankaasi waxa  ka soo qayb galay,  guddoomiyaha maxkamadda racfaanka, taliyaha ciidankan asluubta, xeer ilaaliyaha gobolka Maroodijeex, saraakiil  ka socday ciidanka asluubta, booliska, xafiiska xeer ilaalinta, hay’addaha caalamiga ah iyo ururada bulshada.

Guddoomiyaha xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, Maxamed Baaruud Cali, ayaa daahfuray kulankan oo ahaa mid lagu laga gurayay maxaabiista u xidhan xuquuqda madaniga ah ee muddo dhaafay eek u jira jeelasha dalka.

Sidoo kale waxa lagaga dooday kulankan  xalalka furan si loo xalliyo caqabaddaha ay u xidhan yihiin maxaabiista wakhtigii xadhigoodu dhammaaday ee daymaha u xidhan, iyo sidii qorshe Qaran  looga yeelanlaha.

Agaasimaha fulinta komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Cabdisamad Sacad Xasan, ayaa ugu horrayn ka hadlay kulankan iyo ujeedadiisa. “Maxaynu u hayna xal sharciya in aynu arrintaasi ku xalino innaga oo eegayna shuruucda, innaga oo eegayna qawaaniinta aynu imika haysano, innaga oo eegayna shareecada Islaamka, maxay ka tidhi qofkan daynta lagu leeyahay balse xadhig ciqaabeedkiisi dhammeystay waxa aynu halkan isugu nimidna waa arrintaasi”

Taliyaha guud ee ciidanka Asluubta Somaliland sarreeyo guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ayaa sheegay in loo baahan yahay xal u helista dadka u xidhan muda dhaafka iyo carruurta sharciga khilaafta. “Sabti kasta waxa aanu gudbina dadka maxaabiista ah ee daymaha lagu leeyahay, sidaasi haloola socdo muddadii xadhigiisu waa ay dhammaatay, sidoo kale waa carruurta mobillada iyo danbiyada fudud lagu soo qabanayo iyo dadka is dila waxa ay u baahan yihiin arrimo sharci in loo raadiyo”

Guddoomiyaha xuquuqal iinsaanka Qaranka Somaliland, Maxamed Baaruud Cali, ayaa tala ahaan u soo jeediyay in qorshe Qaran laga yeesho maxaabiista jeelasha dalka ugu jirta iyaga oo wakhtigii xadhigoodu dhammaaday daynta waxaanu yidhi. “Qofka waxyar lagu leeyahay ee mudda dhaafay, ee tusaale ahaan shan sano xidhan xaggee ayuu xuquuqdiisi u raacaya, shanta sanno ee uu shaqeysan lahaa caafimaadkiisi waxba iska dhimay, marka waxyaabo badan ayaa ku xidhan.

Waxa loo baahan yahay ka Qaran ahaan in aynu talo ka gaadhno oo golayaasha sharcidejintuna ay ka wada hadlaan, waxa keenaya in Qaran ahaan talo laga yeeshana waa wax ay dadku aad u wada danaynayaan”

Leave a Reply