23 ayaa ku dhintay Bas ay la socdeen koox heesta oo ku dhacay webiga Kenya

0
785

Ugu yaraan 23 qof ayaa ku qaraqmay kadib markii bas ku safrayay aroos uu daad qaaday meesha loo yaqaano Enziu ee dalka Kenya.

Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya baska oo biyuhu qaadeen kadib markii uu darawalkii isku dayay in uu ka gudbo biyaha xawliga ku socda ee buundada ku taal wabiga Enziu oo qiyaastii 200km (125 mayl) dhanka bari kaga beegan caasimada Kenya ee Nairobi.

Baska waxa loo kiraystay inuu qaado xubnaha kooxda kiniisadda ee Heesta.

Afar ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa carruur, waxaana la soo badbaadiyay ugu yaraan 12 qof, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda inta qof ee ku jirtay baska xilligaas.

Sida ay sheegeen  ismaamulka Kitui, Darawalka ayaanan aqoon u lahayn wadada iyo buundada dulmarta wabiga Mwingi

Guddoomiyaha Kitui Charity Ngilu ayaa sheegay in shilkan “wax xun” uu dhacay subaxnimadii Sabtida.

Waxay intaa ku dartay in 23 mayd ah la helay balse waxay intaa ku dartay in qaar kale ay wali ku xayiran yihiin baska, hawlgaha samata bixintuna ayaa sii socday ilaa Axadii shalay.

Roobab mahiigaan ah oo aan caadi ahayn ayaa dhawaanahan ka da’ayay qeybo badan oo ka mid ah dalka Kenya, waxaana ka mid ah gobollada ay abaaruhu ku dhufteen oo ay xoolo iyo duur joogtaba ugu dhinteen daaq la’aan.

 

Leave a Reply