bilyaneer Maraykan ah oo wareejiyay alaab qadiimi ah oo qiimaheedu dhan yahay $70m

0
751

Maalqabeen u dhashay dalka Maraykanka ayaa laga mamnuucay noloshiisa in uu iibsado alaab qadiimi ah kadib markii baadhitaan la sameeyay lagu ogaaday in alaab uu lahaa ahayd mid la soo dhacay oo si sharci darro ahna lagu soo geliyay dalka.

Michael Steinhardt ayaa wareejieyey hanti dhan $70m (£53m) taas oo qeyb ka ah heshiiska uu la galay dacwad oogayaasha waxyaalaha qadiimiga, waxaana taa beddelkeeda uu helayaa in aan lagu qaadi doonin eedeymo dambiyeed.

Mamnuucidda inuu ninkani ka ganacsado waxyaabo qadiimi ah ayaa ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah, ayay yidhaahdeen dacwad oogayaasha.

Qaar badan oo ka mid ah waxyaalaha qadiimiga ah waxay u muuqdeen kuwo aan lahayn meelo loo raaco, ayay yidhaahdeen.

Mr Steinhardt waxa uu dafiray in wax dambi ahi ku jireen arrimihiisan, balse haataan heshiiska ayaa soo afjaray baadhistii xeerbeegtida ee arrimihiisa.

180-ka shay ee uu ku wareejiyay waxaa ka mid ah weel wax lagu shubto oo madaxiisu u eeg yahay xaywaan kaas oo taariikhdiisa lagu sheegay  400BC , qiimahiisuna yahay $3.5m Million oo Dollar.

Waxyaabaha uu dhiibay waxa ka mid ah hadhaaga aadanaha, oo ah lafta laabta Aadamaha oo jirtay 3,000 sano. Waxaana uu ka soo iibsaday nin caan ah oo ka ganacsan jiray arrimahan sanadkii 2016, sida ay dacwad oogayaasha sheegeen.

Xeer-ilaaliyaha Degmada Manhattan Cy Vance Jr oo ka hadlayey dhiibista alaabtan ayaa  sheegay in Mr Steinhardt “uu muujiyay rabitaan xamaasad leh oo ku ku wareejiyey alaabta isaga oo aan ka walaacsanayn sharcinimada ficilladiisa, sharcinimada qaybaha uu iibsaday “.

Alaabooyinka la qabtay ayaa laga soo tahriibiyay 11 wadan oo kala duwan ka hor inta aanay soo gaadhin suuqa fanka ee caalamiga ah, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha degmada.

Qareenada Mr Steinhardt ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in baadhitaanka uu dhamaaday “waxyaabaha ay dadka kale si khaldan u qaateen dib loogu celin doono dalalkooda”.

Qareenadu waxay kale oo sheegeen in Mr Steinhardt  magdhow ka raadiyo ganacsatadii ku marin habaabiyay caddaymaha alaabta uu iibsaday.

 

Leave a Reply