Gudoomiyaha Baanka Dhexe oo kulan la qaatay dhigiisa Itoobiya

0
398

Addis Ababa (Dawan) – Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Eng Cali Cabdillahi Daahir oo uu weheliyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Md. Maxamed Axmed Maxamuud (Cawed) ayaa shalay kulan la qaatay Guddoomiyaha Baanka Ganacsiga ee dalka Itoobiya Dr. Yinager Dessie.

Kulankan oo ka dhacay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la sheegay in labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka iyo kobcinta wada shaqeynta u dhexeysa Baananka dhexe ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Eng Cali oo maalmahii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay dalka Itoobiya, ayaa booqashadiisu qeyb ka noqonaysaa dedaalo uu ugu jiro horumarinta adeegayada Baanka Dhexe JSL u hayo bulshada Somaliland iyo sidii loo abuuri lahaa wada shaqeyn dhexmarta Baananka Dhexe ee wadamada jaarka iyo hay’adaha Dhaqaalaha Caalamka.

Gudoomiyaha Baanka Dhexe Eng Cali ayaa la filayaa inuu socdaalo dheeraad ah oo la xidhiidha hawlaha Baanka Dhexe JSL ku tago mustaqbalka dhow wadamada kale jaararka iyo kuwa caalamka.

 

 

 

 

 

2 Columns

Leave a Reply