Maxamed Cumar Carte oo madaarka Hargaysa dib looga celiyay

0
337

Hargeysa (Dawan) – Raysal wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, oo shalay lagu xidhay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, kadib, markii lagu qabtay baasboor dibulumaatik Soomaaliya ah oo uu sitay, ayaa dib looga celiyay madaarka Cigaal.

Qof kamid ah ehelada Carte oo Sahan  TV waraysi siiyay, ayaa sheegay in uu dib ugu duulay dalka Jabuuti kadib, markii loo ogolaan waayay in uu Somaliland kusoo galo baasboorka dibulumatik-ga ah, isla markaana laysla gartay in uu baasboorka Somaliland dib ugu soo galo Hargaysa.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, ayaa cambaareeyay talaabada Carte Somaliland lagaga saaray, isagoo sharci daro ku tilmaamay. “Dunida ma jirto meel qof muwaadin ah dalkiisa laga masaafuriyaa.

Qofku haddii uu danbi galo oo waddankiisa ka galo waxaa la geeyaa maxkamad waana la xukumaa si sharciga waddanka waafaqsan”.

Maxamed Cumar Carte ayaa markii la qabtay ka yimid dalka Turkiga sida qoyskiisu sheegeen, waxaana la rajaynayaa in uu saacadaha soo socda dib uga soo dago madaarka Cigaal isagoo baasboorka Somaliland kusoo gali doona.

Leave a Reply