Wasaaradda Maalliyadda oo Abaal marisay cashuur bixiyayaashii ugu wanaagsanaa sanadkan 2021.

0
385
Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Horumarinta Maalliyadda ee Somaliland ayaa abaal marisay cashuur bixiyayaashii ugu wanaagsanaa sanadkan 2021.
Cashuurbixiyeyaashan la abaal mariyay ayaa tiradoodu ahayd 31 ganacsade, kuwaas oo loo gartay in ay yihiin kuwii ugu wannaagsanaa xagga cashuur-bixinta.
Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan iyo masuuliyiin kale oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in munaasibadani tahay mid ka mida kuwa ugu wanaagsan ee ay wasaaraddaasi qabato, maadaama oo ay abaal-marinayso, una mahadcelinayso cashuur-bixiyeyaal gutay waajibaadkii qaranku ku lahaa.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga Somaliland iyo maayarka magaalada Boorama ayaa u mahadceliyay wasaaradda maaliyadda Somaliland, waxaanay ganacsatadaas u soo jeediyeen in ay dadaalka halkaas ka sii wadaan.
Ugu dambayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in arrintani ay ka mid tahay dadaalada wasaaradda maaliyaddu ay ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa fahanka bulshada ee bixinta cashuuraha ku waaajibay, wasiirku wuxuu intaas ku daray in ay arrintaas sii wadi doonaan, waxaanuu ganacsatadaas ay wasaaraddu abaal-marisay ku tilmaamay kuwo ku dayasho mudan.
May be an image of 7 people and text

Leave a Reply