Guddoomiyaha Degmada Fara’weyne oo ka Hadlay Adeeg la’aan Haysata 36 Tuulo iyo Nuxurka Fariinta uu Xukuumadda u Diray

0
394

Fara’weyne (Dawan) Guddoomiyaha degamda Farowayne ee gobolka Maroodijeex ayaa kormeer ku soo maray qaar ka mid ah deegaannada hoostaga degmadaasi.

Kormeerkan oo qaatay muddo 9 caano maal ah ayaa waxa u jeeddadiisu ay ahayd, sidii maamulka degmadu ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladda dadka iyo duunyada ku dhaqan deegamadaasi.

Guddoomiyaha degmada Farowayne Cabdiraxmaan Aadan Siyaad iyo weftiga uu u hoggaaminaayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaannada ay mareen, iyadoo dadka deegaanka ka dhagaystay xaaladda dadka iyo duunyadu ay ku sugan yihiin xilligan, waxaana ay sheegeen inay u baahan yihiin xarumo caafimaad oo u adeegga hooyada iyo dhallaanka deegaanka.

Iyagoo sidoo kale ka codsaday xukuumadda in lasoo gaadhsiiyo adeegayda waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha oo ay tilmaameen in aanay weli gaadhin halkii ay rabeen.

Guddoomiye Cabdiraxmaan isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Baahida waxbarashada ayaa innoogu mihiimsan, waxaan arkay iskuulkaasi iyo dhawr iskuul oo kale oo aan soo marayba, in ardaydii iyo fasaladii ay ku jireen ay kala badan yihiin, 160 arday oo laba fasal ku dhiganaya, macalimiin aan guno qaadan oo labadii galinba ubadkeeni waxbaraya, waa baahi dhab ahaantii aad iyo aad looga naxo.

Anigu ka guddoomiye ahaan waxaan geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaya in baahida degaanka taala aan ka soo jawaabi doono, warkiinana aan gaadhsiin doono masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, 36-ka tuulo ee degmadan Fara’weyne hoos yimaada baahidani waa ay ka wada jirtaa, tulooyinkaasi dhammaan waa kuwo hawsheeda iyo garnaqsigeedaba aanu ku jirnay”

Kormeerkan guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xilli abaari ay ka jirto tuulooyinka uu kormeerka xog ogaal u noqoshada ah uu ku soo maray

Leave a Reply