Masuul ka Tirsan Xukuumadda Somaliland oo ku Dhaawacmay Shil gaadhi

0
361

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda  arrimaha gudaha Somaliland iyo 4 qof oo kale ayaa dhaawac ka soo gaadhay gaadhi  kula dhacay duleedka galbeed ee magaaalada Berbera.

Agaasimaha ayaa ka mid ahaa wafti uu hoggaaminayey  madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo magaalada Berbera u tagay xadhig ka jarista xarunta kaydka raashinka Qaranka  iyo ka hortaga aafooyinka.

Dhaawacyada masuulka iyo saddex qof ee kale ayaa la geeyay cisbitaalka guud ee magaalada Berbera, halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Waxa sannadahan danbe aad ugu soo badanayay magaalooyinka Somaliland shilalka gaadiidka, kuwaas oo sababa dhimasho iyo dhaawac.

Leave a Reply