Maamulka dawlada hoose ee Berbera ayaa xidhay iskarogooyin habeenimadii xalay Daamur soo galiyay degmada Berbera ee Gobolka Saaxil.

0
555

Berbera (Dawan) Maamulka Dawladda Hoose ee degmada Berbera ayaa sheegay in iskarogooyinkaasi ay leedahay shirkad lagu magacaabo NBHH oo ku hawlan mashruuca Berbera Koridor taasoo si sharci daro ah u rabta inay ka dhisto waddooyin magaalada Berbera, oo ay sheegeen in aanay shaqo u lahayn.

Shirkada N B H H ayaa waddo laami ah oo sharci daro ah ka dhisaysa xarunta shirkadda ganacsiga ee Oomaar ee degmada Berbera, taasoo maamulka dawlada hoose sheegay in aanay wax ruqsad ah u haysan in waddooyin ay ka dhisto magaalada gudaheeda.

Maamulka dawladda hoose ee Berbera ayaa sheegay in qalabka iyo gaadiidka shirkaasi ay leedahay inay dekedda magaalada berbera ay kaga soo dagaan cashuur la’aan, isla markaaana waajibaadkeeda shaqo ay tahay inay ka hawl galaan shaqada ay ruqsadda u haystaan ee ah mashruuca waddada Berbera Koridor, oo aanay fasax u haysan inay waddooyin ka dhisaan gudaha magaalada Berbera.

Leave a Reply