Tartanka Naxdinta Badan

0
702

 

Dunidan doonista iyo iska daba ridka magaca iyo maalka ayaa samada maray kaasi oo sababay in la sameeyo sifo kasta oo lagu gaadhi karo taasi oo mararka qaarkood geeri loogu badheedhayo.  Tartanka ugu naxdinta badan dunida ayaa noqday kan sawirka ka muuqda.

Tartanka oo ay  ku tartamaan dadka xirfadoodu tahay bootada. Tartame kasta oo ka qaybgalaya waxa looga baahan yahay  inuu marka hore soo kexeeyo ilmo uu dhalay oo yar, kuwaasi oo inta Furaash la isugu geeyo qof kasta ka dul boodayo.

Waxaana dhacda mararka qaarkood in midkood ku dhaco caruurtaasi yaryar oo ay qaarkood halkaasi ku dhintaan, mana jirto wax la iska weydiiya. Dad badan ayaa usoo daawsho taga dilka waxshiga ah ee ubadka yaryar loo geysanayo. Tartanka gumaadka caruurta, waa kuwa ugu naxariista daran ee caalamka u nool sida xoolah ay soo bandhigaan.

Leave a Reply