Xikmadaha

0
1117

Xikmadaha 

Imam Qasaali waxa uu yidhi : “ Qofka doonaya inuu Allah (sw) ka cabsado ha dhawro xubnahan shanta ah oo sees u ah khayrka iyo sharkaba : Isha, dhegaha, carabka, qalbiga iyo caloosha”.

                     Kitaabka Imaam Qasaali P. 76-77.

  • Dhamaan dadka wanaag uma samayn kartid, laakiin dhibtaada waa haysan kartaa
    • Haddaadan wax beeran, markad aragto kuwii beertay oo guranaya waa ka murugoon dayacaada maalmihii beerashada.Dadka oo dhami waa isku awood in ay isbedel sameyan, laakiin farqigu waa rabitaanka isbeddelka.
    • Dadkoo dhan wanaag uma samayn kartida laakiin dhibtaada waad ka haysan kartaa.
    • Aamuska kuwa awooda leh maaha nacasnimo laakiin waa fursad ay siiyaan dadka caqli yar.
    • Maalku wuxu ka mid yahay risiqa Allah, laakiin waxa jira Risiqa ubadka, Risiqa caafimaadka, Risiqa Barakada. Mana ah risiqu Maal keliya.
    • Muhimaduu maaha inaad dadka oo dhan wanaajiso, laakiin xikmadu waa in aanad qof dhibin.
    • Hamigu waa xanuun badhkii, deganaashuhu waa dawada badhkeed, sabirkuna waa caafimaadka.
    • Khilaafka dheeraada wuxu muujinayaa in labada dhinacba khaldan yihiin

     

     

     

     

     

Leave a Reply