Xildhibaan Faratoon oo Baaq Nabadeed u Diray Beelaha Shaqaaqadu ku Dhexmartay Degaanka Saax-maygaag

0
238

Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ugu baaq u diray beelaha walaala ah ee dagaalku ku dhexmaray degaanka Saax-maygaag oo ka tirsan degmadda Boocame ee gobolka Sool.

Waxaanu xildhibaanku ugu baaqay odayaasha, waxgaradka iyo aqoon yahanka beelahaasi in ay colaadda iyo dagaalka joojiyaan, isla markaana ay nabadda ka wada shaqeeyaan iyo sidii dagaalkaasi loo joojin lahaa.

Xildhibaan Faratoon, ayaa ku booriyay madax dhaqameedka beelahaasi in wax kastoo la isku hayo lagu dhameeyo wadahadal, maadaama oo dalka ay ka jirto dawlad oo iyadu ay masuul ka tahay arrimaha ilaalinta amaanka.

“Waxaan ugu baaqayaa labadaasi beelood in la joojiyo dagaalka iyo colaadda. Waana in nabadda laga wada shaqeeyo.

Wixii la isku hayo, waa in si nabad geliyo ah looga wadahadlo. Waayo? Dawlado iyo maamul ayaa jira, odayaal dhaqan baa jira, siyaabo kale oo arrimaha lagu xalin karo ayaa jira.

Waana in arrinta la qaboojiyo, oo horta la wada hadlo ayaan ku baaqayaa” ayuu yidhi xildhibaan Faratoon, oo xalay khadka telefoonka kula hadlay wargeyska DAWAN.

Geesta kale dagaalka u dhexeeya beelaha walaalaha ah ee shalay ka dhacay degaanka Saax-maygaag ee gobolka Sool ayaa sababay khasaare nafeed oo labadda dhinac ah.

Reply

Forward

Leave a Reply