YAAN LA DHIBSAN JOOGSITAADA!

0
824
Dr. Perpetua Neo oo ah dhakhtar cilmi-nafsiga aqoon u leh ayaa sheegtay in Dhammaanteen aynu leenahay caadooyin khariban iyo fikrado khaldan, kuwaasi oo waxyeelo u geysanaya dhegaha dadka kale, taasi oo

inaga dhigta kuwo faafinaya nacayb iyo kala fogaansho bulshada dhexdeeda.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay: “ waa in aynu nafteena barno sidii aynaan weedhaha dadka ugu dhibin”. Waxaana ka mid ahaa caadoyinka xun ee ay tahay in la iska ilaaliyo:

In dadka kale ceebahooda aad aragto taasi oo keenaysaa inay kaa niyad-jabaan sidaa darteed joogitaankaaga way dhibsanayaan, maadaama ay daqiiqad kasta kaa filan karaan inaad ceebtooda banaanka keento.

Inaad markasta wado weedhaha waa la yidhi iyo beeno aan jirin waxay kaa dhigaysaa qof  la karaahiyaysto.Inaad qofka kasta dacaayadayso oo aad xaqirto, waxay kaa dhigata qof  badi dadku neceb yihiin.

Waxaana sabab u ah iyadoo  dacaayadda ay inteeda badani tahay been iyo buunbuunin aan jirin. Ogow in hadalka yari uu yahay xikmad ay dadku kugu jeclaan karaan, hadalka badan ee aan xikmadda lahayn uu yahay mid ay bulshadu ku gu nacdo.

 

Leave a Reply