Agaasimaha guud ee guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, oo la kulmay shaqalaha Guddida Qandaraasyada

0
294

Hargeysa (Dawan) Kulankan oo ka dhacay hoolka shirarka ee guddida qandaraasyada qaranka ayaa ahaa mid is barasho iyo dardargelinta shaqada guddida qandaraasyada qaranku ay u hayaan bulshada.

Waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay agaaismaha guddida qandaraasyada qaranka Cabdiraxmaan Xaaji Ismaaciil Ibraahin, oo ugu baaqay shaqaalaha inay la yimaaddan shaqo wanaag iyo isfaham dhinaca shaqada ay hayaan ah, si ay shaqada guud ee guddidu ay iskula jaan qaaddo.

Agaasimaha guud ee guddidu qandaraasyadu waxa kale oo ugu baaqay shaqaalaha in guntiga la giigsado sannadkan cusub, oo ay shaqooyin horleh ay guddidu hirgelin doonto, isagoo soo jeediyay in la ilaaliyo saacadaha shaqada iyo shaqada laftigeeda, isla markaana maanka lagu wada hayo in shacabka reer Somaliland loo shaqeynayo, oo u tilmaamay in waajib qaran ay tahay.

Geesta kale, agaasimuhu waxa uu intaas ku daray in dedaal dheeri ay gelin doonaan shaqada maalin laha ah ee guddida qandaraasyada qaranka.

Leave a Reply