” Ictiraafka Somaliland ayaan Raadinayaa” Danjire Saamiya

0
645

Qore: Saciid Cagjar

Hargeysa-(Dawan) Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Finland, Saamiya Xaaji Muuse ayaa sheegtay in dawladda Finland ay aaminsan tahay madaxbanaanida dalka.

Safiir Saamiya oo wareysi ay siisay Telefishanka HCTV Tv, ku sheegtay in xafiiska Somaliland ee Finland kaalin weyn ka qaatay horumarinta siyaasadda arrimaha dibedda ee Wasaaradda Khaarajiga, isla markaana wada shaqeyn wanaagsan ay la leeyahiin xukuumada Finland. “Somaliland waa dawlad ictiraaf raadinaysa, waxa ay aminsan tahay dawlad Filand madax banaanida dalka iyo in aynu soddon sanno jirno balse weli sida waddamada kale ayaanu uga sugaynaa aqoonsi” ayey tidhi

Safiirka Somaliland  u qaabilsan dalka Finland ayaa sheegtay in madaxweynaha ay ka wada hadleen sidii ay usii xoojin lahayd xidhiidhka ka dhaxeeya labada waddan kaasi oo qay ka ah horusocodka xukuumadda madaxweyne Biixi ee la macaamilka waddamada beesha caalamka.

Danjire Saamiya ayaa sheegtay in ay sii xoojisay xidhiidhka ka dhaxeeya labada waddan sida,ictiraaf raadinta, siyaasadda iyo taageero dhaqaale oo dalkaasi ka geysto horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland.

Leave a Reply