Maalin Cabsi Iyo Argagax Lahayd

0
387

Qaybta: 1aad

Subax Axad 30kii  Bishii Juun sanadkii 1908 , dadkii degenaa magaalada Tunguska ee dalka Ruushka waxa ku dhacday cabsi weyn , waxaana ay  u qaateen inay Cadceed kale ka soo baxday samada.  Maxaa yeelay waxa samada dhexdeeda ka muuqday Iftiin weyn oo ololaya oo kulaylkiisuna uu soo gaadhayay deegaanka.  Ninka lagu magacabo Mr. Semenov oo ka mid ahaa dadkii degena Sayberiya  subaxaasi naxdinta badan ayaa ku tilmaamay inay ahayd maalin aragax badan.

Dad badan ayaa aaminsana inay tahay dhamaadkii dunida. Subaxa naxadintu ku lamaanaa, xataa masaakiinta ayaa ku yaacay wadaadii diinta ee deegaanka ku sugnaa iyagoo weydiinayay sida ay yeelayaan iyo waxa laga rabo maalintan iyo arrimaha mudan in ay sameeyaan.

Maaha khurafaad iyo maaweelo waxay ahayd subax yaab leh oo cabsi aan la qiyaasi Karin ka jirtay deegaankan iyadoo bulshadii degenayd ay dhinacna xamili waayeen oo is dhex yaacayeen iyagoo wareer iyo waali ku jira.

Haddii aad subaxaasi joogi lahayd  waad u garaabi lahayd dadkaasi, ama waxaad la wadaagi lahayd cabasidaasi.

Maalintaasi waagu waxa uu beryay iyagoo wax kasta ay caadi yihiin, cirkuna uu yahay mid aan daruur iyo caad midna lahayn oo midabkiisa buluuga ahi si buuxda u muuqda, iftiinka iyo dhalaalka cadeecaduna waxa uu ahaa mid si caadi ah u muuqda,.

Laamaha geedaha iyo beeraha ayay ku dhacaysay neecaw raaxo leh oo ku soo jiidanaysa. Bulshada deegaanka Sayberiya oo ka fog Ruushka intiisa kale waxa ay u diyaar garoobayeen hawlmaaleedka caadiga ah.

Mr. Semenov subaxaasi waxa uu u hor fadhiyay gurigiisa si degan oo raaxo ka muuqato. Markii ay saacadu gaadhay 7:00  Subaxnimo, waxa uu dareemay muuqaalkii oo is bedelay, madaxa ayuu kor u qaaday oo samada eegay  waxaana uu arkay samada oo iftiin dhexdeeda ah oo laba qaybood noqday oo olol ka baxayo xagiisa danbe, kaasi oo kulalykiisu soo gaadhayay oo uu ka dareemayay shaadhkiisa, waxaana uu qaatay inuu guban doono.

Muddo yar ka dibna waxa dhacay qarax  weyni taasi oo keentay inuu miyir beelo Mr. Semenov, waxase uu dareemay gacantii gabadhiisa oo guriga gelinaysay iyadoo cabsi iyo naxdini ka muuqato oo degdegaysa.

Iyadoon aan weli xidhin albaabka guriga ayay dhaceen qaraxyo waaweyn oo is daba joog ah oo aad madaafiic la moodayo, dabayl xoogan oo kulul ayaa ka soo dhacday dhinaca waqooyi taasi oo guryaha alwaaxada ah ee magaalada ruxday oo badankoodii burburisay kuwo kalena daaqadihii iyo albaabadii ka jejebisay.

Waxa ay gubtay qaar ka mid ah beerihii deegaanka.  Muu ahayn keligii Mr. Semenov dadkii muuqaalkaasi naxdinta badan goob joog u ahaa waxaa cabsidaasi la wadaagay dadkii deegaanka oo dhan.

Dadka waxa u muuqday iftiin xoog weyn oo dhinaca samada ah iyadoo cadceedii hore joogta waxaana loo qaatay inay cadceed kale soo baxaday oo ay tahay dhamaadkii dunida.  Dadka oo dhan cabsi ayaa hadhaysay, qaarkood waa ay miyir beelen,  kuwo kalena waxa ay ku yaacen dhinaca wadaada diinta oo iyaguba la wadaagay cabsida iyo argagax, wax la qabtayna ma jirin. Waxaana ay u eekayd in qof kasta ay maalinta ay isaga culays ku haysay badbaadinta naftiisa.

Waxa intaasi ka dib bilaabmay gariirka dhulka kaasi oo sii kordhiyay argagaxii iyo cabsidii bulshada ku habsatay, may jirin cid wax is taraysaa. Quwadda dhulgariirkaasi ayaa lagu qiyaasay derejada 5 R, taasi oo wakhtigan ku diiwaan gashan xarumaha taariikhada iyo cilmi baadhista ee Yurub oo dhan.

Xataa dhawr habeen ka dib markii qaraxaasi ka dhacay Samada Sayberiya Yurub iyo Aasiya waxa ay ahayd mid leh iftiin aan hore loogu arag iyadoo dadka degan London ay jaraa’idka ku akhrisan jireen habeenkii iyagoo aan shidan faynuus iftiinkaasi awgeed.

Subaxaasi cabsida badan saxaafadda gudaha ee Ruushka ayaa sheegtay in xukuumadii Ruushka aanay wax badan ka ogayn mushkilaadaasi ka dhacday gobolka Tunguska iyadoo Moosko wakhtigaasi uu ka soo hurayay abaabulka kacaankii Shuuciga ahaa ee Lenin ee curtay sanadkii 1917kii.

Dawladuna waxa ay mashquul ku ahayd dadkii is bedel doonka ahaa ee Moosko ka dhex dhawaaqayay ee u badnaa shuuciyiinta.

Laakiin sanadkii 1921 ayuu aqoon yahankii Leonid Kulk dawladii ku qanciyay inay gobolkaasi u dirto koox soo baadha qaraxa ka dhacay 13 sano ka hor, ka dib Leonid dawladda ku qanciyay in qaraxaasi uu ka tegi karo biraha qaaliga oo wakhtigaasi ay aad ugu baahnayeen wershadihii Ruushka…….

Leave a Reply