Maxkamadda sare ee Somaliland oo Waajibkeeda ka Gudatay laba Dacwaddood oo Dastuuri ah

0
324

Hargeysa(Dawan)-Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aamo ka soo saartay  shalay laba dacwadood oo kala ah fasirraad sharci ah oo ay u gudbiyeen 46 mudane oo kamida mudaneyaasha Golaha Wakiilladdu 21/12/2021  iyo mid ay geeyeen horaantii bishan  muwaadiniin ka kooban 24 xubnood oo ku saabsan dhaqal-galka wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka asxaabta ururrada siyaasadda ee xeer lr. 14/2011.

Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah ayaa laashay codsiga ay xildhibaanadu kaga dalbadeen inay tacliiq sharci ka bixiso dhaqan-galka kaabista iyo wax-ka bedelka xeerka furida Ururrada siyaasadda ee xeer lr. 14/2011.

Waxa kale oo ay Maxkamaddu aqbashay dacwad dastuuri ah oo ay u soo gudbiyeen 24 Muwaadin  taariikhdu markay ahayd 02/01/2022, taasoo ujeedaddeedu ahayd dhaqal-gelinta wax-ka-bedelka iyo kaabidda xeerka nidaamka asxaabta ururrada siyaasadda.

Labadan Arji ee kala duwan ayey Maxkamaddu ka soo saartay laba qaraar 16/01/2022 , kaddib markii ay 10 garsoore oo Maxkamadda sare ahi ay ka fadhiisteen, isla markaana ka baaraan-degeen sharciyada iyo waajibaadka ay ku leeyihiin go’aan ka gaadhida dacwadaha iyo cabashooyinka la xidhiidha Dastuurka iyo xeerarka dalka.

Maxkamaddu waxa ay oodday gal-dacwaddeeedka codsiga 46 xildhibaan ee uu Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Siciid Mirre Faarax ku saxeexan yahay, waxaanay Kaaliyaha maxkamadda fartay inuu ka saaro liiska dacwadaha dastuuriga ah.

Maxkamaddu waxa ay go’aankan u cuskatay in aanu codsiga Mudaneyaashu soo marin nidaamka sharci ee ay labada hay’addood ku wada shaqeeyaan, isla markaana aanu waafaqsanayn xeer-hoosaadka golaha Wakiillada, laguna socodsiiyey guddoomiyaha Maxkamadda sare oo keli ah, halka ay ahayd inuu dalabkoodu khuseeyo hay’adda Maxkamadda guud.

Sidoo kale qaraarka labaad ee maxkamadda ka soo baxay oo isla shalay ku taariikhaysnaa, ujeeddadiisuna ahayd dhaqan-galka xeerka furida ururrada siyaasadda, kaasoo ay dacwadiisa soo gudbiyeen 24 muwaadin oo magacyadooda lagu lifaaqay go’aanka, ayaa aarraar iyo asbaab kaddib, waxa ay maxkamaddu ku dhawaaqday qodobadan soo socda:

  1. Maxkamaddu waxay aqbashay arjiga ku taariikhaysan 02/01/2022 ee ay maxkamadda u soo gudbiyeen muwaadiniinta ka kooban afar iyo labaatan (24xubnood, ujeeddadiisuna tahay dacwad dastuuri ah oo ku saabsan dhaqangelinta xeer lr 14/2011, iyo furida ururrada siyaasadda.
  2. waxa dhaqan-gal ah wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka nidaamka ururrada iyo asxaabta siyaasadda, Xeer lr 14/2011, oo qodobkiisa 6aad, farqadiisa 5aad ay sheegayso in tobankii sannadoodba mar la abuuri karo urur siyaasaddeed si waafaqsan xeerka.
  3. waxa ay laashay in doorashada xisbiyada/ururrada lagu dabro doorashada goleyaasha deegaanka, waxaanay doorashada xisbiyada/ururradu noqonaysaa mid toos ah oo ay qabato guddida Doorashooyinka qaranka JSL.
  4. Kala-reebista xisbiyada/ururrada waxa loo raacayaa sida uu dhigayo qodobka 6aad ee wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka nidaamka ururrada iyo asxaabta siyaasadda xeer lr. 14/2011.

(ku salaysan doorasho toos ah oo aan ku dabranayn doorashada goleyaasha deegaanka)

  1. waxa ay go’aamisay in la dhamaystiro dhamaan talaabooyinka la xidhiidha diwaangelinta ururrada cusub ee ka qaybgelaya doorashada si waafaqsan xeer lr.14/2011.
  2. waxa la farayaa dhamaan dhinacyada ay khusayso inay u hogaansamaan dastuurka dalka JSL, xeerarka dalka iyo xeerarka doorashooyinka.
  3. qaraarkani waxa uu soo baxay maanta (shalay) oo ay taariikhdu tahay 16/01/2022″ayaa lagu yidhi qaraarka ay Maxkamaddu ku shaacisay dhaqan-galka kaabista iyo wax-ka-bedelka Xeerka nidaamka asxaabta iyo ururrada siyaasadda oo ay golihii hore ee wakiilladu intaan la bedelin wax ka bedelleen, kaasoo wakhtigii dhaqangelintiisuna ku soo beegantay xilligii kala guurka Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 31 May 2021.

go’aamada ka soo baxay Maxkamadda sare waxa soo saaray garsooreyaasha kala ah:

  1. Aadan Xaaji Cali Axmed … Guddoomiye
  2. Maxamed Cumar Geele ………..Xubin

3.Cabdiqaadir Axmed Maxamuud …xubin

  1. Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan….xubin

5.Maxamed Faarax Siciid………….xubin

  1. Axmed Diiriye Qaalin…………Xubin
  2. Cali-shucayb Sh. Ibraahim Nuur ….xubin

8.Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan…. xubin

  1. Yaxye Cali Idiris…………………..xubin
  2. Cabdiraxmaan Xasan Nuur ……xubin

Qaraarkan maxkamadda dastuuriga ah ka soo baxay, ayaa soo afjaraya khilaaf iyo yooyootan muddooyinkan dambe hadheeyey saaxada siyaasadda JSL, taasoo ay asxaabta mucaaridku shacbiga ku dhego-barjaysiiyeen.

Leave a Reply