Guddoomiye Xirsi oo Ka Jawaabay Go’aankii Maxkamadda Sare

0
406

Hargeysa-(Dawan)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa soo dhaweeyey qaraarka ay maxkamadda sare dib ugu celisay dacwadii ay soo gudbiniyeen lix iyo afartan xildhibaan ee golaha wakiillada iyo go’aanka xeerka furista ururrada siyaasadda.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in ay taageersan yihiin go’aanka maxkamadda sare waxaanu yidhi “Waxaan soo dhaweynayaa qaraarka Maxakamadda Dastuuriga ahi ay dib ugu celisay dacwaddii xildhibaannada. Taas oo sidii aannu horeba u sheegnay ahayd mid waddadeedii sharci laga duway. Waxaa kale oo aan waafaqsanahay dhaqangalka Xeer Lr 14/2011, kaas oo golihii hore soo saaray kuna saxeexanyahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo”

Guddoomiye Xirsi ayaa sheegay in xisbigoodu u hoggaansamaayo shuruucda dalka, waxaanu bogaadiyey maxkamadda sare “Mar kastana waxaanu diyaar u nahay in aannu u hoggaansanno Shuruucda dalka, Maxkamaddana waan ku bogaadinayaa in ay sharciga ilaaliso, shaqadeedana ku ekaato.  Waa guul, waxaanan leeyahy dhammaan taageerayaasha Waddani iyo guud ahaan bulshadda Somaliland: Sharcigaa inoo ballan ah” ayuu yidhi

 

 

Leave a Reply