Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha oo Abaal-marrinno Guddoonsiiyay Shaqaalihii ugu Wanaagsanaa Sanadkii Tegay ee 2021-ka

0
282

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka ayaa sheegay in manhajka waxbarashadda dugsiyadda hoose, dhexe, iyo sare ee dalka lagu darro barashadda dastuurka, xeerarka ka farcama iyo waddaniyadda.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu tilmaamay in ay hadda diyaariyeen qorshaha ah in manhajka waxbarashadda dugsiyadda hoose, dhexe, iyo sare ee dalka lagu darro barashadda dastuurka.

Waxaanu sheegay wasiirku in hirgelinta arrintaasi oo hadda gebagebo marayso ay gacanta ku hayaan wasaaradda waxbarashadda, iyo wasaaradda xidhiidhka goleyaasha, gar-yaqaanadda iyo aqoon yahano jaamacadaha dalka ka tirsan.

“Barashadda Waddaniyadda (Civic education)-ka, iyo dastuurka iyo xeerarka dalka qoristii… Waxa kaloo ay gacanta ku hayaan dhamaanba wasaaradda waxbarashadda, iyo wasaaradda xidhiidhka goleyaasha, iyo dhamaan gar-yaqaanadda, iyo mudanta aynu u baahano, ee aynu is leenahay wax bay idinku kordhinayaan.

Ilaa heer dabadeed civic education-ka, in wax u cuntama, oo manhajka gala waxbarashadeena, ilaa dugsiga hoose dhexe, iyo sare. Iyada na waxaan rejaynaynaa in ay sanadkan soo af-go’do haddii ALLE SWT ka dhigo, oo sanad-dugsiyeedka bisha sagaalaad ee sanadkan, ay suurto gasho in qaranka oo dhami, uu nasiib u hello in manhajka waxbarashadda caadiga ah, ay ubadkeenu ku dhigtaan qaybta barashadda Waddaniyadda.

Iyadoo sanadkii hore uu madaxweynuhu inoo daah-furay, oo aynu ku guulaysanay jaamacadaha in aynu dhamaystirno Muqararkii ay qaadan lahaayeen”ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay munaasibad lagu abaal marinayay shaqaalihii ugu wanaagsanaa wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka sanadkii tegay ee 2021-ka.

Munaasibad balaadhan oo shaqaalahaasi lagu abaal marinayay waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka iyo arrimaha dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland Saleebaan Warsame Guleed.

Agaasimaga guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf, guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawlada Somaliland Khaalid Qodax, guddoomiyaha Komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Somaliland Dayib Aadan Xaaji Cali.

Agaasimaha fulinta komishanka xakamaynta AIDS-ka Axmed Cabdi Ismaciil, Maareeye ku-xigeenka madbacadda qaranka ahna ku simaha Maareyaha Cabdicasiis Jaamac Cali, shaqaalaha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha, isu-duweyaasha wasaarada xidhiidhka goleyasha ee goboladda dalka iyo marti sharaf kale.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa kaloo uu sheegay in shaqaalaha la abaal-mariyay aanay sharaf u ahayn oo keliya wasaaradda xidhiidhka goleyaasha, balse ay tahay guul qaranku gaadhay.

Waxaanu yidhi, “Siyaasadda xisbiga KULMIYE, iyo siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi, oo ku dhaqamaya siyaasadda xisbiga KULMIYE iyo saraynta sharciga, iyo balan qaadkii aynu ummada u balan qaadnay in aynu ka dhabayno, oo xaqiijinno, oo aynu is qiimayno sanad walba, maxaa horumar aynu gaadhnay? Xagayu hiigsanaynaa? Maxaa inoo dhiman? Maxay ku dhacday in aynu yoolkaa gaadhno? Ama aynu gaadhi wayno? Isla-xisaabtankaa saxda ah, oo aynu adduun weynaha na la wadaagno, qaran waliba waxyaabaha uu ku horumarro”.

“Waxaan u hanbalyaynayaa dhamaanba shaqaale weynaha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka, gaar ahaana shaqaalaha maanta (shalay) la abaal-marinayo. Waxaan idiin sheegayaa runtii shaqaaluhu aad buu u shaqeeyay, ma aha oo keliya intan la abaal-marinayo, intii sida fiican u shaqaysay.

Waxaan odhan karaa, in kaloo saddex lab ka badan ayaa si fiican u shaqaysay. Laakiin, haddii kaalin koowaad lagu kala horumariyo, macnaheedu maaha intaasaa shaqaysay. Waxaan qirayaa  in ay shaqaaluhu yihiin shaqaale mudakara ah, oo masuuliyiin ah. Waxay ku shaqeeyaan Qalbi-sami, iyo waddani-nimo, iyo xil-kasnimo ayay ku shaqeeyaan” ayuu yidhi Maxamed Xaaji Aadan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kaloo aan u mahad celinayaa agaasime waaxeedyadda wasaaradda, oo ah dad xul ah, oo si yaab leh u shaqeeya. Waxa kaloo aan u mahad celinayaa dhamaanba aqoon yahanadda, la taliyeyaasha iyo wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee aanu wada shaqaynta leenahay”.

 

 

Leave a Reply