Madaxweynuhu waa Nin Abaal leh” Masuul Xil Loo Magacaabay

0
477

Hargeys-(Dawan):-Maayar ku xigeenkii hore ee Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi  ayaa soo dhaweeyey xilka  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magaacabay ee Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka.

 

Cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa sheegay in aanu xilkan raadsan balse uu u gartay Madaxweynuhu ka dib markii uu ku qancay aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa, waxaanu yidhi  “Madaxweynaha Somaliland ayaa xilkan ii igmaday aniga oo aan raadsan , waxaanu ii gartay in aan xilkan qaadi karo, waanan ku hambalyeynayaa Madaxweynaha waanu ku mahadsan yahay, xilkan iyo mid ka sareeyana waan kasoo bixi doona mudane madaxweyne”

 

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. ayaa sheegay in madaxweynuhu uu yahay nin abaal guda, waxaanu ku ammaanay horumarka uu qaranka gaadhsiiyey.

 

Leave a Reply