Dagaal idin Maanu Dooran ee Wax Qabad ayaa la idiinka Fadhiyaa.”Dareenka Shacabha

0
384

 

Hargeysa-(Dawan)- Shacabka ku nool magaalada hargeysa ee caasimada jamhuuriyadda  Somaliland ayaa dhaliilay hab dhaqanka xildhibaanada golaha wakiillada oo kulamadii u danbeeyey gacan hadal dhexmarayay.

 

Shacabweynaha ayaa sheegay in loo baahan golaha lagu tababaro shaqada uu qaranka ku igmaday dadweynuhuna u doorteen , waxaanay sheegeen in aanay ceeb ahayn in kala aragti duwanaado balse ay dhaqan xun tahay in madasha dooda lagu talo galay dagaal lagu sameeyo .

 

“Is qabqabsiga faraha badan waxa uu muujinayaa in uu layli yahay  oo aanay u tobabarnayn qaabka wax is waydiinta iyo qancinta xilliyada doodaha adag jiraan” ayuu yidhi mid ka mid ah shacabka oo la hadlay HCTV.

 

Shacabka hadlay ayaa sheegay in xildhibaanad aanay u dooran in ay ku dagaalamaan golaha balse ay u doorteen in kaalintooda shaqo gutaan oo masuuliyad iska saaran la xisaabtanka xukuumadda iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshada u baahan tahay in kor loo qaado.

 

Qaar ka mid xildhibaanada golaha wakiillada Somaliland ayuu gacan qaad ku dhexmaray xarunta golaha xilli ay jiraan dodo xasaasiya oo lagu ansixinaayey odoroska miisaniyad sannadeedka 2022 iyo xeerka furista urrurada siyaasadda.

Leave a Reply