Hazard oo Go’aan ka Gaadhay Real oo Ogolaatay Dalab ka Yimi Koox Ingiriis ah

0
210

Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa kaddib markii ay Real Madrid ogolaatay dalab uga yimid Newcastle United oo lagaga doonayo isaga.

Real Madrid ayaa Axaddii aqbashay inay £33.4 milyan oo Gini oo lagu darayo £8.3 milyan oo dheeraad ah oo ku xidhnaanaya bandhiggiisa ay Eden Hazard kaga iibiso kooxda Sucuudigu la wareegay ee Newcastle.

30 jirkan oo Santiago Bernabeu tegay sannadkii 2019 ayaa isaguna go’aan ka gaadhay haddii uu u wareegyo Newcastle United, iyadoo uu dhinaca kalena ogsoon yahay inay adg tahay inuu booska kala baxo Vinicius Junior oo garabka bidix ka ciyaara.

Los Blancos oo sidoo kale rajaynaysa inuu xagaaga kusoo biiro Kylian Mbappe, ayaa waxay la wadaagtay Eden Hazard qorshaheeda ah in ay adag tahay inuu helo waqti joogto ah, xaaladdiisuna ay sii adkaan karto.

Sidaas oo ay tahay, Eden Hazard ayaa iska diiday inuu tago kooxda Newcastle United ee ay Real Madrid wada-hadalka yeesheen, waxaana uu ku wargeliyey Florentino Perez in aanu qayb ka noqon doonin kooxda halista ugu jirta inay u dhacdo heerka labaad ee Ingiriiska.

Warka ayaa intaa ku daray, in Hazard uu go’aankiisu yahay inuu ka tago Real Madrid balse kooxda ay la doonayaan ee Newcastle aanu tegi doonin.

Laacibkan ayaa doonaya inuu u ciyaaro kooxaha waaweyn ee Premier  League sida Chelsea.

 

Leave a Reply