Shan Xiddig oo u Qalmay Shaxda ugu Fiican Adduunka FIFA FIFpro XI Laakiin aan lagu Darin Shaxda Sanadka

0
551

FIFA ayaa xalay intii ay socotay xaflada The Best soo saartay shaxda ugu fiican sanadkii 2021 ee FIFPro iyada oo ay ka soo bexeen lama filaan weyn.

Shaxda waxa hogaaminayay xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo inkasta oo ay qaab ciyaareed liita ku jireen bilihii uu dambeeyay hadana waxa ay weerarka shaxda ku wehelinayeen xiddigaha Robert Lewandowski & Erling Haaland.

Si kasta ha ahaatee waxa jira xiddigo magac leh oo si weyn loo filayay in ay ka soo muuqdaan shaxdaas Waliba qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay sanadka 2021.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 5 xiddig oo u qalmay in ay ku soo baxaan shaxda ugu fiican adduunka laakiin aan nasiib u yeelan in ay ka soo dhex muuqdaan.

Edouard Mendy | Chelsea:

Waxa laga yaabaa in ay midkani tahay midka ugu la yaabka leh marka loo eego in uu Goolhaye Mendy ku uulaystay Goolhayaha ugu fiican adduunka waxana ay ahayd in uu shaxda ugu fiican ka soo muuqdo sidoo kale.

Laakiin Gianluigi Donnarumma Ayaa badalkiisa ka soo muuqday shaxda ugu fiican adduunka taas oo la yaab ku noqotay dhamaan tagaeerayaasha kubada cagta.

Kylian Mbappe | PSG:

Waa xiddig kale oo u tartamayay abaalmarinta The Best kana soo muuqday 10-ka xiddig ee ugu sareeya laakiin waxa uu ku fashilmay in uu ka soo muuqdo shaxda ugu fiican adduunka inkasta oo uu sanadkii hore ahaa xiddiga ugu cad-cad goolka hortiisa isla markaas dhaliyay 27 gool 31 kulan oo Ligue 1 ah.

Karim Benzema | Real Madrid

Benzema ayaa ah xiddig kale oo si la yaab leh looga reebay shaxda ugu fiican adduunka ee FIFPro inkasta oo uu qabtay shaqo ayna qaaban xiddigaha Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo sanadkii la soo dhaafay marka la eego in uu dhaliyay 23 gool horyaalka la liga xilli ciyaareedki hore.

Laakiin Benzema ayaan Nasiib u yeelan in uu magaciisu ka soo muuqdo shaxda ugu fiican adduunka inkasta oo aad moodo in uu ka fiicnaa xiddigaha shaxda ka soo muuqday ee Messi iyo Ronaldo.

Mohamed Salah | Liverpool:

Sanadkii hore, Mohamed Salah ayaa ku raaxaystay gool dhalin xidhiidh ah isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xitaa lagu tilmaamo xiddiga ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan.

Salah ayaa dhaliyay 22 gool 35 ool waxana uu kaliya hal gool ku waayay gool dhalinta premier League waxana uu xilli ciyaareedkan durba dhaliyay 16 gool premier League.

Mohamed ayaa sidoo kale kaalinta 3-aad ka galay abaalmarinta The Best hadana waxa uu ku fashilmay in uu ka soo muuqdo shaxda ugu fiican adduunka.

Trent Alexander-Arnold | Liverpool

Xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa soo bandhigay sanad cajiib ah waxana uu muujiyay in uu horumar ka sameeyay xilli ciyaareedka, inkasta oo uu difaaca ka ciyaaro hdana Trent Alexander-Arnold Ayaa durba caawiyey 10 gool premier League inkasta oo kaliya la marayo bartamihii xilli ciyaareedka.

Leave a Reply