Magacyada Ciyaaryahannadii ugu Wanaagsanaa Tartankii Horyaalka Horyaallada Somaliland

0
303

Tartankii horyaalka horyaallada Somaliland oo todobaadkan soo dhamaaday ayaa habeen hore waxa la qabtay munaasibad lagu abaal-marinayay ciyaaryahanadii ugu wanaagsanaa ee ka ciyaarayay kaalmaha kala duwan ee kubadda cagta.

Munaasibadaas oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Berbera, waxaana ka qaybgalay madaxda ugu sareysa ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Sonaliland, xidhiidhka kubadda cagta ee dalka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’addaha kala duwan ee dawladda iyo shirkadaha kala duwan ee ganacsiga.

Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasime ayaa dhalinyaradii ciyaarayay horyaalka horyaallada Somaliland ee ugu wanaagsanaa waxa lagu guddoonsiyay abaal-marino kala duwan.

Magacyada ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa tartankii horyaalkii horyaallada Somaliland:

1- Cabdiwaduud Cabdiqani weeraryahankii ugu wanaagsanaa

2- Khadar Hazard weeraryahankii baasha midig ee ugu wanaagsanaa

3-   Jibriil goolkii ugu quruxda badnaa tartanki Somaliland Champion League

4- Cabdifataax Isco  Kubad Qurxiyihii ugu Wanaagsanaa

5- Khadar Raas Difaaca Dambe ee ugu Wanaagsanaa

6- Cabdisamad Cudo Kubad Dhisihii  ugu Wanaagsanaa

7- Daa’uud Cabdillahi  Difaaca Hore ee ugu Wanaagsanaa

8- Maxamed Juffo Kubad Burburiyhii   ugu Wanaagsanaa.

Leave a Reply